Dagaal Culus oo Dib uga dhex Qarxay Wadamada Azerbaijan iyo Armenia

Baku (OWN) – Xabad-joojintii ay wada saxiixdeen Azerbaijan iyo Armenia ee gobolka Nagorno-Karabakh ayaa daqiiqado yar un kadib burburtay ayada oo midba mid kale uu ku eedeeyey inuu rasaasta dib u billaabay.

Xabad-joojinta oo dhaqan gashay 11:00 Am Maalinnimo ee Maanta Wakhtiga Bariga Africa.

waxaa durba xigay weerar cusub, ayada oo diblomaasi sare oo u dhashay Azerbaijan uu sheegay in xabad-joojinta aysanba markii hore dhaqan gelin.

Heshiiska ayaa yimid xalay kadib wada-hadallo socday 10 saac oo ka dhacay Moscow, kuwaasi oo oo uu dhex-dhexaadiyey wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergey Lavrov.

Daqiiqado kadib xabad-joojinta ayaa militariga Armenia waxay Azerbaijan ku eedeeyeen inay madaafiic ku garaaceen goobo ku dhow magaalada Kapan ee koonfurta-bari ee Armenia, halkaasi oo qof shacab ah uu ku dhintay.

Wasaaradda Gaashaandhigga Azerbaijan waa ay ku gacan seedhay eedeynta Armenia, waxayna ku qeexday “daan-daansi.”

Taa beddelkeeda, militariga Azerbaijan ayaa ku eedeeyey Armenia inay weerareen gobollada Terter iyo Agdam ee Azerbaijan, halkaasi oo ay ku garaaceen madaafiic xooggan.

Wasiirka Arrimaha Debedda Azerbaijan Jeyhun Mayramov ayaa sidoo kale sheegay “in gargaar bani’aadanimo oo laga fuliyo goobahaas uusan hadda suurta-gal ahayn, sababtoo ah madaafiic ay ku garaacayaan militariga Armenia.”

Wasaaradda Gaashaandhigga Armenia ayaa iyana beenisay eedeynta Azerbaijan ee ah inay ciidamadeedu jebiyeen xabad-joojinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker