Doqon diran iyo daacad dabran! By Maxamed jeex

“Adduunyooy nin ku doona ku waa” ayey dadku ku halqabsadaan, markay arkaan qof damaciisu dhaafsiisan yahay waxa uu mudan yahay ama hortiisa yaal, “Doqoni walaalkeed ayey u daab weyn tahay!”, murti ayaa na daalicin, 

mid caruureedna waxay leedahay: “Aabow ninka yar iga celi ninka weyn ayaan iska celinayaa!”, mid kale waxay ahahyd: “…. …… Muuse waa kaa!”, odayadii garta loo keenay, markay bixin waayeen ayey yiraahdeen: “Odayaal ha loo badiyo”, wiil yar oo fiinta geedka ay ku shirayeen saarnaa ayaa ku yiri: “Odayaal ha dhihininee waxgarad ha loo badiyo dhaha!”, illeen qof ka da’ weyn oo ka maqnaa ma jirin.

Doodda siyaasadeed ee dalka ka taagan waa sii durugaysaa, dabar iyo dabaqabad la’aan ayey gaartay, la garan la’ yahay meesha wax ku gurmayaan, muran iyo khilaaf ayey awal sheekadu ahayd, hadda waa sadex ama afar qaybood sida beelaha degan gobolada AWDAL IYO SALAL Oo diidan iney 13 xildhibaan ku galaan Doorashada. Sool & sanaag bari oo iyana diidan iney sidan ku galaan doorashada JSL . Beelaha dega galbeedka burco ,sanaag galbeed iyo koofurta ,bariga Hargeisa ayaa iyaguna aad u saluugsan xukumada kulmiye .

Hadaba xukumada xaaladeedu waa mid , cakiran, caabuq sii xumaanaya, cillado xalay dhalay ah iyo xammaasaddii na cuuryaamisay, waa: “Ceelna uma qodna cidna uma maqnadii”, la sheegi jiray, mardhow filo qormada: “Isma dhaanto iyo dhasheed!”

Ismaandhaaf waa abuur aadanaha ku beeran, waa adduunka astaan uu ku kudban yahay, balse miyaad aragteen ummad dhan oo is afgaran la’? Miyaad aragteen ummad dhan oo is fahmi la’? miyaad aragteen ummad dhan oo khilaaf u taagan? Miyaad aragteen ummad dhan oo asaraar u alalaasaya? Miyaad aragteen ummad dhan oo aargoosi u ulo weyn? Miyaad aragteen ummad awooddeeda dumin kaliya u adeegsanaysa? Miyaad… Miyaad… Miyaad …. Miyaad…

Weydiimuhu badan, markaa yaad ila garan waxaan u iri: “Doqon diran iyo Dacaad dabran!”, Dabcan arartana si weyn ayaa looga dareemayaa, wax isdhaama weynnay, markaad eegto xukumadii DAHIR RAYAALE,TII SINAAYO, TII MUUSE BIIXI Intuba wey cadahay iney qabteen doorashadii madaxwaenaha laakiin Tii xildhibaannada wey ka gaabsanayaan sobobta loo diidanyahay saami qaybsiga ee madaxweyne kastaaba u diidaayo maxay, nin walba wuxuu eeganayaa meesha uu joogo, wax kama galin inta kale, wuxuu xoogga saarayaa siduu damaciisa u meel marin lahaa, darajana u haysan  lahaa, hadduu gaarana uusan ka guurayn.

Ugu dambyn, Anigu oran maayo sida gudoomiye faysal cali waraabe & gudoomiye cabdiraxmaan cirro Haddii aan ka heshiiney komishankii wax kale oo hadhey ma jirto , ee waxaanse oranayaa dadka JSL kunooli waxay u baahanyihiin cadaalad xaqsoornimo iney helaan ,gaar ahaan dadka degan gobolada AWDAL,SALAL,SOOL,SANAAG BARI waxay u xiiqsanyihiin sidii ay xaqooga u helilahaayeen, xisbiyada UCID IYO WADANI waxay u xusulduubayaan sidii ay wax u kala irdhayn lahaayeen, u xuurtoonaya sidii ay wax u kala gayn laahaayeen, u xamaaranaya sidii ay wax u dumin lahaayeen, u xaalsanaya sidii ay wax u qasi lahaayeen, xaq dulmi isu badalay, daacadnimo dabran, duuflaal darawal ah, dayac baahsan, Daciif damman iyo doqon diran, goorma laga dabaalanayaa?.

 

 

By Maxamed jeex

Maxamed-1970@hotmail.com

JSL BORAMA

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker