Oodweyne News - Latest Somali News Update

Dal uma nihin inaynu aqoonsi helno – la’aantiina ugama tanaasulayno dalnimadeenna

Dal uma nihin inaynu aqoonsi helno – la’aantiina ugama tanaasulayno dalnimadeenna

 

Koongo waa dalka labaad ee Afrika ugu weyn, qaaradda Yurub oo dhan kolka la isu wada geeyana wuu ka khayraad badan yahay. Waxa aanu haystaa aqoonsi caalami ah.

 

Afar meeloodow meel ka mid ah dadweynaha dalkaas – oo tiro ahaan noqonaysa 15 Milyan oo qof, ayaa qarka u saaran inay gaajo u dhintaan.

 

25-ka gobol ee uu dalkaasi ka kooban yahay, lix gobol oo ka mid ah labadii qofba qof ayaa qarka u saaran inuu gaajo u dhinto – macnaheedu waa 50% ka mid ah.

 

Tobankii ciyaal ahba, mid ka mid ah ayaa cudurro u dhinta isaga oo aan gaadhin da’da shan jirka, halka 100,000 ee hooyooyin ahba ay 846 ka mid ahi ka ummul-arooraan. In ka badan 2270 qof ayaa dalkaas ugu dhintay xanuunkii Ebola.

 

4.5 Milyan oo qof ayaa ku barakacsan dalka gudihiisa, saacad walbana waxa barakaca 50 qoys. Dalka waxa ka jira in ka badan boqol kooxood oo maleeshiyaad ah, kuwaas oo uu dagaal joogto ahi ka dhexeeyo.

 

Koongo aqoonsigu uma uu keenin nabad ay ku saldhigto ama caafimaad tayo leh, ama doorasho dimuquraaddi ah oo si uun ugu dhigmi karta doorashooyinka Somaliland ka qabsoomayay muddada ku dhaw 20-ka sanno. Halka dalka Taaywan oo aan haysan aqoonsi caalami ah uu wax-soo-saarkeedu Somaliland innagu soo gaadho.

 

Soomaaliya aqoonsiga ay haysataa wuxuu waayay itaal uu ku nabadeeyo Muqdisho, ama uu ciidan ku dhiso. Halka ay Somaliland 26 sanno ka hor ku guulaysatay nabadayn. Wax kaleba ha joogaan e, aqoonsigu miyuu nabad u keeno Muqdisho?

 

Itoobiya, Jabuuti iyo Eratariya weligood kama dhicin doorasho hal qof iyo hal cod ahi; halka Somaliland 2001 iyada oo toban sanno oo kaliya jirta ay ka dhacday doorashadii koowaad ee hal qof iyo hal cod ahayd oo uu qof waliba wax ku lahaa go’aaminta cidda mustaqbalka u talinaysa. Xilligaas 60 dal oo qudha ayay ka jirtay doorasho hal qof iyo hal cod ahi.

 

Suudaanta Koonfureed, Burundi, Eratariya, Malaawi, Madagaskar, Nayjer, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, iyo Mozambiig oo dhammaantood ah dalal la aqoonsan yahay, celceliska dakhliga qofkii soo gala sannadkii wuxuu ka yar yahay $485, halka celceliska dakhliga qofka soo gala Somaliland uu yahay $500+.

 

Aqoonsigu waligii dal burbursan ma dhisin, dal dib u dhacsanna ma horumarin: waxa ku xidhan kaliya la xidhiidhidda dawladaha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah, ama heer qaaradeed ah ama heer gobol ah; sababtan awgeed ayaanu aqoonsigu u ahayn halbeegga dawladnimadeenna, ama jiritaankeenna, ama horumarkeennaba.

 

Dalalkaas aan soo tiriyay idil ahaan waa la aqoonsan yahay, bal se maamul ahaan, nolol ahaan iyo tayo ahaanba waxa ka sarraysa Somaliland oo aan la aqoonsanayn.

 

Waxa aynu dal u nahay tayaynta nolosha dadkeenna dhan kastaba ha noqoto e – caafimaad, waxbarasho, hoy, caddaalad, iwm. Wax kasta oo taas ka soo hadha oo uu aqoonsigu ku jiro, waxay yeelanayaan mudnaanta labaad.

 

Aqoonsigu waa wax ka baxsan gacmaheenna oo ku xidhan gacmo kale, mana jirto sabab aan wakhti lumis ahayn oo aynu ugu xidhxidhnaano wax ku maqan gacmo kale – iyada oo aan dedaalkiisa iyo qorshayntiisana laga tegayn.

 

30 sanno ayaynu dawlad ahayn oo aqoonsi ma haysanno, xiitaa qofka sidaas ku doodaya ayaan garanayn dhab ahaan wuxuu ku doodayo.

 

Fadliga 18 May, taxanihii maaanta waan hakiyay. Sannad-guuro wacan idil ahaan shacabka Somaliland.

 

 

WQ: Maxamed Sharma’ark)