Ilaalada Khibradda badan ee Madaxwaynaha Kuuriyada Waqooyi oo Halis Galiyay Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykankan

(OWN) Afhayeenka Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa kamarado ka soo muuqatay iyadoo ay foodda is darayaan ilaalada Kim John-un si ay uga sii dayso saxafiyiinta Maraykanka oo loo diiday in ay galaan qol ay ku shirayeen madaxweyne Donald Trump iyo Kim John-un.

Stephanie Grisham ayaa la arkay iyadoo la hardamaysa rag ka tirsan ilaalada hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, waxaana la maqli karaa codkeeda iyadoo leh “caawimaad ayaan u baahanahay”.

Arrintaas ayaa ka dhacday bannaanka qol ay fadhiyeen kuna Shireen madaxweyne Donald Trump iyo Kim Jong-Un

Koox sawir qaade yaal ah iyo wariyeyaal khaas ah ayaa marar kala duwan ruqsad loo siiyaa in ay aad ugu dhawaadaan madaxweynaha Maraykanka si ay uga warramaan hawlihiisa, saxafiyiintaas ayaana wada shaqayn ka hela kaaliyeyaasha madaxweynaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker