Koonfur Afrika: Shaqaalaha samatabixinta oo la xidhiidhay dad ku xanibmay burburka.

Shaqaalaha samatabixinta ayaa sheegay in ay maqleen 11 qof oo ku hoos jiray burburka dhismaha ee magaalada George.

Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in ay geeriyoodeen, waxaana la la’yahay in ka badan 50 qof kaddib markii guri 5 dabaq ahaa oo dhismo ku socday uu dumay.

Sababaha keenay in guriga dumo ayaa weli la baarayaa. Muuqaal meel u dhow laga duubay ayaa muujinaya boor iyo dhismo sii dumaya.

Inta badan shaqaalaha dhismaha ka shaqeynayay ayaan weli la ogaan xaaladooda muddo ayeyna qaadatay in la helo tirada badbaaday.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa u tacsiyeeyay qoysaska dadkooda ku dhinteen dhimsha, wuxuuna ku baaqay in baaris la sameeyo.

In ka badan 10 shaqaalaha badbaadada oo wata eeyaha wax uriya ayaa baaraya si ay u helaan cid ku hoos xanibantay dhismaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker