Putin oo maanta la dhaarinayo iyo dalalka reer galbeedka oo ku kala aragti duwan ka qayb galka caleema saarka

Vladimir Putin ayaa lagu wadaa maanta in markii shanaad loo dhaariyo madaxweynaha dalka Ruushka, kadib doorashadii uu dhawaan ku guuleystay.

Guusha doorashadiisa ee bishii Maarso ayaa timid toddobaadyo uun kadib markii uu xabsiga ku geeriyooday, Alexei Navalny, oo ahaa mucaarad si weyn uga soo horjeeday Putin.

Mareykanka iyo inta badan wadamada Midowga Yurub ayaa sheegay in ay qaadacayaan ka qeyb galka xaflada caleema saarka Kremlin-ka, inkastoo Faransiiska iyo qaar ka mid ah Midowga Yurub la filayay in ay ergo u diraan, inkastoo Kyiv ay ka codsatay in aaney sidaas yeelin.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ukraine ayaa sheegtay in dhaarinta Putin ay tahay mid abuuraysa kaligii-talisnimo maadaama muddo kale uu sii hoggaamin doono Ruushka madaxweynaha hadda la dhaarinayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker