Wasiirkii hore ee wasaaradda Beeraha JSL Oo Eedo u soo jeediyey Xoghayaha Waddani

Wasiirkii hore ee wasaaradda Beeraha Somaliland   Axmed Muumin Seed kaasi oo eedo u soo jeediyey Xoghayaha WADDANI waxaanu yidhi:

“Hadalka Xoghayaha Xisbiga WADDANI ku leeyahay Wakaalada Biyaha ayaan hoos gaynayaa Dowlada hoose, marka uu hadalkaa leeyahay Wuxuu Caayayaa Caqliga bulshada reer Soomaaliland. Miyaanu ogayn in bulshadu ka aqoon badan tahay oo ka Caqli badan tahay. Waxaan ku leeyahay khadaroow, horta doorashada ururrada ka Soo gudub, ka dib doorashada madaxtooyada gal, haddii aad guulaysato markaas Waxaad tiraahdaa Wakaalada biyaha Waxaan hoos gaynayaa Dowlada Hoose, balse waxaa nasiib daro ah in aad Maanta garan Weydo meesha aad joogto” ayuu yidhi Wasiir hore Axmed Muumin Seed.
Eedaha loo jeedinayay Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa muddooyinkan dambe mar kale soo laba kacleeyey iyada oo Baraha Bulshada lagu baahiyey qoraallo dadka qaarkii ku dalbanayaanin dawladdu Maamulka Wakaaladda Biyaha ku hoos gayso Dawladda Hoose ee Hargeysa si is baddal loogu sameeyo wax-qabadkeeda iyo adeegga ay bulshada u hayso. “

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker