TACSI MADAXWEYNE : IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee  Marxuum Aadan Xaashi Cilmi oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 30/06/2018, magaalada Hargeysa. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaa ku timid Marxuum Aadan Xaashi Cilmi, dhammaan reer Xaashi Cilmi.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo ka baxay shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay dedaaladii loogu jiray dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

  Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

           
 
 
 
                    Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker