Oodweyne News - Latest Somali News Update

Muranka Webiga Niilka: Doodaha Itoobiya iyo Masar

Markii ugu horaysay ee webiga niilka la helo waxa ay ahayd 1600-kii, waxaana helay baadari u dhashay dalka boortuqaal, oo u socday hawlo ah fidinta diinta kiristaanka.

Webiga niilku wuxuu u qaybsamaa laba qaybood oo kala ah:

  1. Niilka cad (White Nile)
  2. Niilka buluuga ah( Blue Nile)

Muranka u dhexeeya labadan dal wuxuu cirka isku shareeray sannadkii 2011. Waa markii uu soo baxay dhismaha biyo-xidheenka ay Itoobiya ka dhisayso deegaanka uu maro webiga Niilku. Biyo-xidheenkan ayaa lagu maalgeliyey adduun dhan $4.2 Bilyan, waxaanu awood u leeyahay inuu soo saaro dab gaadhaya 6,000MW. Biyo-xidheenku wuxuu qaadi doonaa 74 Milyan oo mitir kuyuub oo biyo ah.

Doodda Masar: Dawladda Masar waxa ay mar kasta miiska soo saartaa heshiisyadii laga gaadhay qaybsiga biyaha webiga Niilka ee la kala saxeexday sannadihii 1929 iyo 1959. Kuwaasi oo dhigayey in Masar ay biyaha Niilka isticmaasho 75%. Inta kalena ay dalalka kale isticmaalaan. Ku dhawaad 2.5 Milyan oo Masaari ah ayaa noloshoodu ku xidhan tahay biyaha webiga Niilka, waan dalka ugu dambeeya ee uu gaadho webiga Niilku ka dibna wuxuu ku shubmaa biyaha badda Midhatareeniyanka.

Walaac ugu weyn ee dawladda Masar haystaa waa haddii uu dhaqangalo buuxinta biyo-xidheenka ay dawladda Itoobiya ka dhisayso webiga Niilka qaybta Itoobiya inay waayi doonaa laba qaybood mid ka mid ah biyihii soo gaadhi jiray. Masar waxa ay si aad u salluugsan tahay heshiiskii ugu dambeeyey ee laga gaadhay saami-qaybisga biyaha webiga Niilka . Siyaasiyiinta iyo aqooyahanka Masar ayaa la’aanta biyaha webiga Niilka ku sifeeyey haddii la waayo dhibici biyo ah inay u dhiganto dhibic dhiig ahi.

Doodda Itoobiya: Dawladda Itoobiya waxa ay ku doodaysa in aanay ku dhaqmayn heshiisyadii la galay sannadihii 1929 iyo 1959. Kuwaasi oo ay ku tilmaamtay inay ahaayeen kuwa u dhaqmayey dano gumaysi oo Masar u hiilanaayey. Sidoo kalena caddaaladda ka fogaa. Waxa ay ku sifeeyeen heshiisyo aan wakhtigan cusub la jaan-qaadi karayn oo ku salaysnaa fikrad gabowday. Itoobiya waxa xaq u aragtaa heshiiskii la galay sannadkii 2010, kaasi oo dhigayey in saami-qaybsi cusub oo si caddaalad ah loogu qaybsaday biyaha webiga Niilka.

Waxa heshiiskaasi saxeexay dalalka Ugaandha, Ruwaandha, Tansaaniya iyo Itoobiya. Waxa se diiday dalalka Masar iyo Suudaan. Hasayeeshii markii xukunkii Suudaan ay wax iska beddeleen haatan Suudaan waxa ay la socotaa dalka Itoobiya. Biyaha ka soo burqada Niilka buluuga ah wuxuu ka yimaadaa harada Taana ee dalka Itoobiya, markaa Itoobiya waxa ay u aragtaa ka hadalka biyaha webiga Niilka inay iyagu xaq u leeyihiin go’aaminteeda, maadaama oo uu dalkooda ka soo bilaabmo.

 

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com