” Gudoomiye Xamarji qaabkan wanjalka ayaa loo qabtey ….” Xamse Khayre

Ciidamada dharcada [Macawisleyda] ee qaabilsan beegsiga siyaasiyiinta Beesha HA ayaa diyaariyay qorshe iskugu jira wanjal iyo shil gaadhi (isku day dil).
Waxaa dhacday in gaadhigiisii lagu dhuftay gaadhi kale oo uu wade ka yahay nin ka tirsan qolyahaa macawisleyda, kadibna Gudoomiye Xamarje iyo ninkii kale la isku qaaday, la geeyay cisbitaalka guud kadibna laga baadhay iney khamri cabsan yihiin iyo in kale.
Sir ma qabe Allaa u sahan ahe, dhakhaatiir madax banaan oo baadhay ayaa cadeeyay in gudoomiyuhu aanu cabsanayn wax khamri ah balse ninkii kale uu xaddi badan oo khamri ah cabsan yahay.
Fulinta qorshaha wanjalka waxbaa ka khaldamay dhankooda, Alle ayaana sidaa qadaray.
Kadib halkaa waxaa ku fashilmay qorshihii wanjalka ahaa iyadoo ay sidaas tahay ayaa hadda waxa xidhan gudoomiye Xamarje halka ninkii kale la sii daayay [dabcan isagu dee waaba ka mid qorshaha].
Hawlgalada noocan ah ee lala beegsanayo siyaasiyiinta HA, waxaanu ka leenahay balan adag qorshe gaarana waanu ka yeelanaynaa. Waxaanu haynaa liiska raga aanu tolka nahay ee shirqooladdan u xil saaran waxaanuna u kala bixi gogol dhexdayada. Nin walba cidii yahay buu noqon.
Gudoomiyuhu isagu waa nabadqabaa mana qabo wax dhaawac ah waxaase xoogaa dhibaato gaadhay gaadhigiisa. Wuxuu hadda ku xidhan yahay Xarunta C▪︎I•D-da Hargeysa iyadoo ninkii macawisleyda ahaa hadda ka baxay xadhigii.
Allaa Mahad leh
Xamse C. Khayre
Xoghaya Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiisk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker