Daawo: Falan-qaynta Ciyaaraha ,Tababaraha Xulka Qaranka Masar Oo Dabka Kusii Shiday Xiisadda U Dhaxaysa Liverpool Iyo Mohamed Salah

Tababaraha Xulka Qaranka Masar ayaa dabka kusii qabtay Xiisadda u dhaxaysa Weeraryahanka Mohamed Salah iyo kooxdiisa Liverpool, taas oo ku saabsan warar suuqa soo galay oo ah in uu laacibkani ka maqnaan doono bilowga Xili Ciyaareedka dambe ee Premier League oo uu qarankiisa waqti siin doono.

 

Mohamed Salah ayaa la sheegay inuu qayb ka noqon doonox ulka qaranak Masar ee ka qayb-geli doona ciyaaraha Olympics-ka oo lagu qaban doono magaalada Japan ee waddanka Japan, hase yeeshee, xilligu uu tartanku bilaabmayo ayaa waxa  uu ku beegan yahay bilowga xili ciyaareedka dambe ee Premier League.

Tartankaas oo ay ka qayb-geli doonaan ciyaaryahannada ay da’doodu ka hoosayso 23 jirrada, waxa waddan kasta loo ogol yahay saddex ciyaartoy oo ay da’doodu ka weyn tahay 23 jir, waxaana xulka Masar ay doonayaan in qarankooda uu hoggaamiyo Mohamed Salah oo 27 jir ah.

FALANQAYNTAAS OO DHAMAYSTIRAN IYO CIYAARIHII U DAMBEEYAY HALKAN HOOSE KA DAAWO:

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker