Waa maxay U Jeedka Kulanka dhexmaray Madaxwaynaha Jubbaland iyo Eng Faysal Cali Waraabe ee Nayroobi

Madaxweynaha Maamulka  Jubbaland Somalia  Axmed Madoobe ayaa  Shalay Magaalada Nairobi kula kulmay Feysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Somaliland.

 

Labada Mas’uul ayaa booqasho ku joogay maalmahan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Lama oga in kulankan uu ahaa mid qorsheysan iyo in labada masuul ay si kama ah iskugu Arkeen hotelada magaalada Nairobi.

Feysal Cali Waraabe ayaa ka mid ah Xubnaha ugu cad-cad siyaasiyiinta Somaliland, ee sida kulul u dhaleeceeya Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa.

Axmed Madoobe ayaa isna ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada qaarkood ee  ay sida weyn ay isaga soo horjeedaan dowlada federaalka ah ee uu Hogaamiyo Madaxwayne Farmaajo  Waxaana dhexyaalla Muran ku Saabsan  doorashadiisii oo Gabi ahaanba Dawladda Federaalu Diiday Sharrci ahaanteeda .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker