Waxqabadka Mugga leh ee u ku Talaabsaday Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Saleeban Cabdi Looliya. Q 2aad.

Iyadoo aynu qabtii hore ee qormadeenan si guud uga soo waranay waxqabadka Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera Saleeban Cabdi Looliya, 6-dii bilood ee u dambeeyey, waxaynu qaybteenana kusoo qaadan-doonaa xaafadaha cusub ee helay Biyaha iyo weliba kuwa la filayo in dhowaan ay helaan.

Wasiirka wasaarada Biyaha iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera, waxay la yimaadeen qorshayaal tiro badan oo lagu horumarinaayo biyo-balaadhinta Magaalada Berbera, waxana dhowaan la dhagax-dhigay mashruuc biyo-gelineed oo xaafadaha koonayaasha Magaalada lagu gaadhsiinayo biyaha qasabadda, waxanu la yimii Maareeyuhuu oo kusoo kordhiyey, samaynta Xaawisyada biyaha soo gudbiya, iyo sidoo kale, xagaajinta, daryeelida iyo dayactirka Bebebka Biyaha keena Magaalada.

Maareeye Saleebaan waxa uu ku guuleystay mudadii koobnayd ee u xilka hayey, inay xaafadaha Waraabe u taaga iyo Burco sheikh helaan Biyo nadiifa oo ah kuo qasabadeed, si toosana u cabbaan hadda, iyagoo hore u heli jirin intaa badan, sidoo kale, waxa xusid mudan in ay hawlo shaqo oo lexaadkooda leh, ku foogan tahay wakaaladdu, iyadoo la waddo, isla markaana qaybihii u mihiimsanaa la dhigay Beebebkii Biyaha soo qaada ee keena Magaaladda Berbera, waxa laga soo lalinayaa meel aad u fog.

Waxyaabaha mucjisadaha ah ee tilmaamaya dedaalada Maareeyaha Wakaaladda waxa kamid ah, Beebkii weynaa ee magaaladda keeni jiray Biyaha oo dhowaan jabay waxa uu Maareeye Saleeban iyo hawlwadeenadiisa Wakaaladdu ku guuleystay inay ku sameeyaan mudo yar, isla markaana magaaladdu aanay tabin wax biyo la”aana.

Waxanu Maareeyuhuu ka faaideeyey mashruuca Maalgelinta Biyo-balaadhinta Magaalada Berbera, isaggoo habeen iyo maalin walbaa aad arkayso isagoo ku hawlan qabyo-tirka hawlaha shaqo ee Biyo balaadhinta Magaalada Berbera, waxanay taasi furo u noqotay inuu si xawliya u socdo mashruuca Biyo-balaadhinta Berbera.

Sidoo kale, waxa uu Maareeyaha mudada yar xilka Wakaalada Biyaha ee Berbera hayey Md. Saleeban Cabdi looliya nidaam shaqo ee bulshadu ku faraxday ka hir-geliyey shaqaalaha Wakaalada Biyaha ee Berbera, isagoo u sameeyey dirays iyo agab lagu garto, isla markaana xilliga shaqada ee shaqaalaha ka dhigay mid heer Caalamiya, isagoo hanankii hore ka bedelay wax weyn. La soco qaybaha dambe ee aynu qodob-qodob usoo qaadan doono Xaafadaha Biyaha helay ee aan hore uga cabi jirin qasabada, balse Booyadaha ka dhaansan jiray iyo weliba qodobo kale.

Waa Bilahi Tawfiiq

Cabdifatax Cali Faarax.

Berbera/Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker