Nin u dhashay dalka Giriiga Oo Nasiibku Ka badbaadiyey Shilkii Diyaaradii Ethiopian Airlines

Nin u dhashay dalka Giriiga ayay ka tagtay diyaaraddii burburtay ee Ethiopian Airlines kadib markii uu soo habsaamay 2 daqiiqo oo kaliya, islamarkaasna ay shaqaalaha garoonka gacan ka siin waayeen in uu galo diyaaradda.

Antonis Mavropoulos ayaa sheegay in ay u ahayd maalin nasiibkiisu badanyahay, haddii uu raaci lahaane ka mid ahaan lahaa 157-dii qof ee ku geeriyootay diyaaradda.

 

Waxa uu ninkan madax ka yahay hay’ad lagu magacaabo International Solid Waste Association, waxana uu sheegay in markii koowaad uu ku xanaaqay shaqaalaha garoonka oo ka diiday in ay albaabka ka furaan xilli diyaaradda ay wali garoonka fadhiday.

 

Ninkan ayaa raacay duulimaadkii xigay ee Nairobi u kicitimay, balse waxa uu ogaaday in ay burburtay diyaaraddii uu ka haray.

Waxaa la geeyay saldhigga booliiska si su’aalo loo weeydiiyo kadib markii la sheegay in uu ahaa qofka kaliya ee ka badbaaday diyaaradda, islamarkaasna uu ka haray duulimaadka bal si loo ogaado sababaha kalifay in uu ka haro.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker