Waxaan u sharaxnahay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye.

Aniga oo ah Bashiir Tarabbi Oogle, muddo ka badan toban sanadoodna xisbiga Kulmiye si aan hagrasho lahayn la garab taagnaa talo, tusaalayn iyo taageero. Tolkay saxaafadda, culimada, aqoonyahanka, ururada haweenka, madax dhaqameedka, hal abuurka, abwaanada iyo dhalinyaradu haddii ay igu taageeraan, waxaan balan qaadayaa in xisbigu noqdo mid guuleysta, loo simanyahay, caddaalad, horu marin iyo is aaminna ku dhaqma.

Waxaan Guddida sare ee xisbiga iyo Madaxweynaha ka taageeri doonaa, sidii loo casriyeyn lahaa hay’adaha xuquuqda insaanka, kuwa dowliga ah, sida waxbarashada iyo maktabadaha. Waxaan balan qaadayaa in aan gacan ka geysto casriyeynta ciidamada qaranka, siyaasadda garsoorka, deegaanka, dhulka iyo dowladaha hoose. Waxaan fikir ku soo korshinayaa tabashada daladaha haweenka, aniga oo kala shaqayn doona hore u marintooda, inaga oo dhowrayna dhaqankeena diinta ku dhisan, si ku qotonta cilmi iyo ilbaxnimo.

Waxaan madaxda dalka kala shaqaynayaa xal u helidda qawedka siyaasadda beelaha iyo xuquuqdooda wakiilasho. Sidaas oo kale waxaan ku guntan doonaa xuquuqda SNM iyo taariikhdooda oo ma guurto noqondoonta.

Waxaan qayb libaax ka qaadan doonaa, sidii loo dejin lahaa xurgufaha ka dhasha tartanka axsaabta qaranka, waxaan ku mintidi doonaa walaalaynta shacabka Soomaaliland iyo shanta dal ee Soomaalidu degto, aniga oo xoogga saaraya kobcinta Afka iyo dhaqanka qoomiyadda Soomaalida.

Waxaan u mahad naqayaa shacabka Soomaalilaan ee nabad doonada gobta ah, madaxdii hore iyo kuwa iminka, ee inagu soo simay maalin shalay dhaanta.

Xisbiga Kulmiye waa kan keli ah ee soo saaray laba Madaxweyne, wuxuu u qalmaa hogaankii isku wadi lahaa Baarqabbada iyo Baar furankiisa, waa xisbi ku habboon in dib loo soo ururiyo, si dhaxalkiisu u waaro.

Bashiir Tarabbi Oogle,
Murasha

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker