Midawga Garsoorayaasha Dalka Kenya oo u ololeynaya in dowladdooda ay ka baxdo kiiska badda Soomaaliya

 

Nairobi (OWN)  Qareenka guud ee kenya ayaa doonaya in maxkamadda ay daaqaddaa ka tuurto kiis ay soo gudbiyeen dad reer kenya ah oo doonayo in dowladdooda ay ka baxdo kiiska la xidhiiha muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaliya.

Kiiskan ayaa waxaa gudbiyay labaatan sharci yaqaan oo uu hor kacayo Weldon Korir, kuwaasi oo ku doodaya in ka qeyb galka kenya ee kiiskani uu ka hor Imanaayo  sharciga dalka.

 

Qareenka guud ee Kenya, Kennedy Ogeto, ayaa sheegaya kiiska ay geeyeen Kiriro wa Ngugi iyo labaatanka kale uu yahay mid iska ciyaar ah. Dacwad oogeyaasha ayaa waxaa matalayay qareen Kibe Mungai.

 

Kenya ayaa Maxkamadda Cadaaladda ee Aduunka waxaa ka dacweeyay Soomaaliya bishii August ee sannadkii 2014-kii, kadib markii ay ku murmeen dhul badeed gaadhaya ilaa 100,000 oo kilometre oo isku wareeg ah.

.

Markaa kadib Kenya ayaa iyadana soo oogtay dacwad ay Soomaaliya isaga difaaceyso, iyada oo ku doodaysa in Maxkamadda ICJ aysan awood u lahayn in kiiskan ay dhageeysato.

 

Kenya ayaa ku doodeeysay in marka hore la raadiyo waddo kale oo lagu xalliyo khilaafka dhanka badda ah ee u dhaxeeya iyada iyo Soomaaliya.

Maxkamadda ICJ ayaa 2-dii bsihii Febaraayo ee 2017-kii gaashaanka u daruurtay Dalabkaas uga yimi dhanka Kenya, taas oo ku doodaysa  in heshiiska is afgarshada uunsan xal u noqon Karin kiiska badda ee Soomaaliya.

 

 

Kiriro iyo 19-ka kale ee sharci yaqaanada ah ayaa aaminsan ka qayb qaadashada Kenya ee kiiska badda ee loo asteeyay in la dhageeysto inta u dhxeeyso 9-ka September iyo 13-ka, uu wax ka baddeli karo xadkeeda iyo khariiraddeedaba.

 

Waxa ay doonayaan in Maxkamadda Sare ay soo saarto qoraal amar ah oo ay ku joojinayso in ICJ ay dhageeysato kiiska badda ee Soomaliya kala dhexeeyo maadaamaa aysan haynin caddeymo sharci ah, sidoo kalan heshiiska is afgarshada ee la gaadhayna uu mad-madaw ku jira.

Labaatanka qareen ayaa waxay aaminsan yihiin in dawladda Kenya aysan horay usii wadi karin kiiskan iyadoo la eegayo sharciga kenya u yaalla.

Garsoore Weldon Korir ayaa go’aanka gaadhi doona 11-ka bishan July.

Labaatankan  Garsoore ayaa sheegay in Kenya aysan sii wadi dooonin ka qayb qaadashada dhageysiga Maxkamdda iyada oo aan ka baqayn in dhulkeeda lumo sidoo kalana ka cabsi qabin in dhulkeeda iyo madax-banaadideedaba gorgortan u gelin .

Maxkamdda ayaa waxaa loo sheegay in inkastoo Kenya ay aqoonsantahay xukunka ICJ, haddana Kenya uu shaki uga jiro kiiskaasi.

Dadka dacwadda geeyay ayaa waxay aaminsayihiin sababta ay uga hor yimaadeen inay tahay inay suurto gal ahayn in dhammaan khilaafyada lagu xalliyo maxakamadaha.

 

Dhibaatooyinka ama khilaafyada qaar ayaa waxa ay u baahan-yihiin in lagu xalliyo geedi socod dhanka siyaasadda ah amaba diblomaasiyadda ah taasi oo ay lagama maarmaan tahay in la’ is hor keeno muwaadiniinta waddamada khilaafka uu ka dhaxeeyo oo ay iyaga go’aanka ugu dambeeya gaaran.

Khilaafka diblumaasiyadeed ee labada dal

.

Arrintan la Xidhiidha  xuduudda badda ayaa dhalisay khilaaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

 

Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay, ka dib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ku yaala xuduuda lagu mursan yahay.

Dacwaddan la xidhiidha muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola simo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo. Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker