“Guusha Somaliland Waa Labadan Musharax Oo Ku Heshiiya…” Cali Guray

Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka hadlay kulan xalay dhex-maray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo musharaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Siyaasi Cali ayaa qoraal kooban oo ku baahiyay bartiisa Facebook waxa uu ku yidhi sida tan:

“Kulan Khayr Leh Insha Allah

Guusha Somaliland waa labadan musharax oo ku heshiiya in sharcigu sareeyo Komishankuna hawshiisa u madaxbanaanaado maadaama aanay jirin wax caqabado ah khariidaddii tubta doorashada (road map) iyo kharashkii doorashada madaxtooyaduna ay diyaar u yihiin xeerkina dhamaystiran yahay.

Soomaalidu waxay tidhaa “ hadii aad aragto meel lagu heshiin waayay ama qodob aan meesha ku jirin baa la doonayaa in la soo geliyo ama qodob ku jiray baa la doonayaa in laga saaro”. Markaa hadii aan labadaa midna aanu jirin waa heshiis dhab ah

Waxa kale oo la yidhi meel heshiis yaal duco uma baahna, meel khilaaf yaalaana habaar uma baahna. Markaa insha Allah sidii kayr leh iyo Doorashada Madaxtooyada oo loo dareero 13 November hadii Alleh yidhaa.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker