Jabhadda Xuutiyiinta Yemen oo Weeraro Ba,an ku Qaaday Gudaha Sucuudiga
Riyadh (OWN) – Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee dagaalka kula jirta Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo xulafadooda ayaa Weerar Gantaalo ah ku qaaday caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh .
Caasimadda Sacuudiga ayaa laga maqlay illaa dhawaaqa laba Qarax oo xoggan sida ay daabacday wakaalada Wararka Reuters, sidoo kalana waxaa la arkay qiic madow oo hawada isku shareeray.
Sida laga soo xigtay kooxda Xuutiyiinta Yemen, diyaarado kuwa aan duuliyaha laheyn oo ay leedahay kooxdaan ayaa gantaalo ku garaacday Riyadh.
Balse dowladda Sacuudiga ayaa Dafirtay in weerarka Loo adeegsaday diyaarado Drones ah, taas badalkeedana waxay sheegtay inuu weerarka ahaa gantaal laga soo tuuray Magaalada Sanca ee dalka Yemen.
Sidoo kale Sacuudiga ayaa sheegtay inay ku guuleysatay inay hawada ku burburiso gantaalkaas.
Telefishanka ku hadla afka kooxda Xuuthiyiinta oo ka hadlay weerarkaan ayaa sheegay inay saacadaha soo socdo kooxda soo saari doonto war saxaafadeed lagu faahfaahinayo weerarkaas iyo meelaha lala beegsaday.