Ergooyinka Madaxda Dhaqanka Beesha Warsangali Oo Soo Dhaweyntii Somaliland Loogu Sameeyay Sigaar ah Uga Suntay Martiqaadkii Gobolka Gabiley

Salaadiinta,Boqorka Guud ee Beesha Nuux Cumar,Cuqaasha Waxgaradka iyo Odoyaasha Beesha Warsangali ee indhawaale ku sugnaa Somaliland ayaa si Culus u ajiibay soo dhaweyntii iyo Martiqaadkii Gobolka Gabiley lagu Maamuusey.
Boqor Ibraahim Maxamed Xasan(Gacma-yare), oo ah Madaxdhaqameedka ugu Miisaanka Culus uguna Aftahansan Ergada Beesha Warsangali ee hogaaminaya  Waftigan ku Sugnaa Somaliland Toddobaadyadii u Dambeeyay, oo ay Soo Raacaan Labada Suldaan ee kala ah Suldaanka Da,da Yar ee ka shaqeeyay Midnimada Sanaag/Bari Suldaan Maxamed Suldaan Xasan iyo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilaahi Cartan iyo Guud ahaanba Xubnaha kale ayaa si milgo iyo Maamuus leh uga Dareen Celiyay islamarkaana, sigaar ah ugu Suntey in Gobolka Gabiley Noqdey Mid Safka hore kaga jira Soo dhaweyntii iyo Martiqaadkii Loogu Sameeyay Somaliland.
Waxaaney si dareen leh oo ay ka Siman yihiin Madaxdhaqameedku u ajiibeen Yuhuunta iyo kalgaceylka Walaaltinimo iyo dhinacyo badan oo Martiqaadkoodii kaga Duwanaa Nidaamka Qado sharfeedkii iyo Casuumadihii huteelada ee Beelaha iyo Masuuliyiintu kusoo Dhaweeyeen, iyagoo sigaar ah hoosta uga Xariiqey Dhamaantood doorkii Maayarku ka qaatey hab-maamuuskaasi huwanaa dhaqanka iyo hidaha Soomaalidu caadada u laheyd.
Waxaanay Ergada Madaxdhaqameedka Beesha Warsangali Wacad ku mareen in ay Gurya-noqoshadooda Kadib si degdeg ah uga Jawaabi Doonaan Martiqaadkaas Shacabka iyo Madaxda Gabiley ku Maamuuseen sigaar ahna ugaga Mahad Celiyay Maayarka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo ay ku Tilmaameen Masuul Haybad Akhlaaq iyo Karti iyo Hadal hufan iyo Waliba Xilkasnimo isku Darsadey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker