Loolanka Biyaha Wabiga Nile: Masar & Itoobiya

Loolanka Biyaha Wabiga Nile: Masar & Itoobiya:

 

Dalcad adag oo diblamaasiyadeed ayey isla galeen Masar & Itoobiya – Somaliland iyaduna saani bay u gashay liiska wadamada ugu muhiimsan labada dal, waa Masar & Itoobiya ee ay u kala baratamayaan.

 

Safarkii bishii May 2019-kii wafti uu hogaaminayo wasiir-ku-xigeen wasaarada arimaha dibada dalka Masar ku yimid Hargeysa, ma galin wax-dareen siyaasadeed oo keena in Abiy Axmed dareemo muhiimada ay leedahay JSL ee Geeskan Afrika, hase ahaatee markii todobaadkii hore wafti Masaari ah yimaadeen Hargeysa, jawigii ay hore u arkayeen JSL, xukumada  Addis Ababa aad buu u gedismay, gilgil-siyaasadeed oo u muuqday in Itoobiya ay Masar isku gadaamtay min Sudaan ilaa JSL ayaa u muuqda haatan.

 

Intaaba waxa miisaanka siyasadeed sii raray culayska fuulay Itoobiya, dalka Maraykana oo Masar la safan & Eratariya oo talaabo aanay filayn qaaday. Haab-haabasho siyaasadeed dartee shalay waxa Abiy Axmed ula soo guclo orday wafti uu hogaaminayo nin isagu qoomiyad ahaan Soomali ah dhanka Somaliland, waa wasiirka maliyada Itoobiya, Axmed Shide, ogow ma sido xidhmo lacag ah, waxase uu sidaa fariimo qaylo-dhaan ah oo ku sal leh in Itoobiya siday mooday Somaliland aanay ahayn-  in aanay ahayn mid Addis Ababa wax looga yeedhin karo, haatana Abiy Axmed soo ridatay mar kale awooda dahsoon ee ay JSL ku fadhido, waa Cada Cas ee Itoobiya ay Masar ka soo kulaali karto ee taxan min ilaa Sudaan, Eratariya iyo Somaliland.

 

Loolanka Masar & Itoobiya, JSL lama safna Itoobiya, Masar na kama soo horjeedo, sida Djibouti & VillaSomalia oo iyagu Itoobiya la safan, laba sobobood oo kala duwan awgood. Djibouti waa dano dhaqaale, halka Xamar xukumadeedu tahay dano taageero isla dalka ay madaxda ka tahay oo ay kaga doonayso Itoobiya, oo aanay xuduudeedaba dhaafsiisnayn danta Itoobiya raacisay!

 

Haduun bay JSL gashay fagaare loolan caalamka ah, ilaa haddana sidii uu Madaxweyne Muuse ka sheegay Madheera – JSL cidna uma joojinayso, awood kastoo ay leedahay.

 

La soco arinka Itoobiya & Masar waa loolan haddaba dhanka uu sal dhigaa ku xidhan tahay -yaa arin xoogan, ilaa hadda Masar baa arin xoogan, Abiy Axmed waa ku jiq!

 

Xusuusin: Sawirka hoose waa waftigii Masar ee sanadkii hore la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi – doorkan safarkii la sheegay ee Masaarida xukumada JSL kama soo saarin wax war ah oo rasmi ah iyo sawiro midna – sobobta lama oga, waase la dareemi karaa.

 

WQ: Abdillahi M. Ali

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker