Azerbaijan oo ka hadashay dagaalka ka socda Nagorno-Karabakh

Azerbaijan ayaa sheegtay in weerarkeeda militari ee Nagorno-Karabakh uu sii socdo maalintii labaad ka dib markii ay qaadeen wax ay ku tilmaantay hawlgallada “la-dagaalanka argagixisada” ee aagga lagu muransan yahay Talaadadii.

Wasaaradda difaaca ee Asarbayjaan ayaa sheegtay in la burburiyay qalab ciidan oo ay lahaayeen gooni u goosadka Armenia.Waxaa ka mid ahaa gaadiidka dagaalka, madaafiicda iyo qalabka lidka diyaaradaha.

Armenia ayaa beenisay in ay wax dagaal ah ku hayso gobolka waxayna sheegtay in kumaan kun oo ka soo jeeda qowmiyadda Armenia lagu qasbay in ay guryahooda ka cararaan dagaalka awgiis. Maraykanka iyo Ruushka ayaa hormuud ka ah baaqyo ku aaddan in dagaalka la joojiyo.

Xiisadda ayaa ka taagneed muddo bilo ah agagaarka dhulkan lagu muransanyahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker