Dawlada Fadaraalka ah ee Somalia Oo Sheegtay In Sun Lagu Daadiyay Badeeda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamka Soomaaliya (Axmed Ciise Cawad) ayaa sheegay in qiraal loo hayo badda Somaliya in lagu daadiyay SunĀ  xilli uu la hadlayay warbaahinta qaranka.

Wasiirka wuxuu ka gaabsaday inuu carabaabo halka uu kasoo Xigtay warkaan saameynta weyn leh iyo xitaa cidda leh masuuliyadda falkaan.

Wasaaradda Kheyraadka Badda iyo Kalluumeysiga dowladda federaalka ayaa sheegtay dhawaan iney baaritaan ku sameyn doonto arrinta xilli dhawaan xeebaha magaalada Muqdisho ay kusoo caariyeen kalluun badan.

 

 

Sida la wada ogyahay biyaha Soomaaliya waxaa ilaaliya maraakiib Shisheeye oo aad u badan hadana waxaa mar walba ka dhaca falalka ugu badan ee loogu xad gudbayo sharciga kallumeysiga iyo xad gudubyo kale, sidoo kale lama oga hadii hadalka kasoo yeeray Cawad uu salka ku haayo baaritaanada laga sugayay Wasaaradda ku shaqada leh Arrimahaan.

 

 

Dhanka kale Cawada wuxuu cudur daar ka bixiyay tabashooyinka laga soo gudbiyay safarada dibadda, wuxuuna sheegay iney wax ka qaban doonaan.

Ugu dambeyntiina Cawad wuxuu qiray iney Sacuudiga aad isugu dhaw yahiin marka lala barbardhigo dhigooda Imaaraadka carabta, balse wuxuu rajeeyay in wax walba ay soo kobcaan wakhtiyada soo socda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker