Golaha Wasiirada Puntland Oo Kulan Ka Yeeshay Xiisadda Ka Taagan Gobolka Sanaag

Golaha Wasiirada ee maamulka Puntland ayaa maanta yeeshay kulankii todobaadlaha ahaa waxaana shir guddoomiyay Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni. Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay xaaladda ka taagan Gobalka Sanaag maalmihii ugu dambeeyay ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland.

Wasiirka amniga ee maamulka Puntland ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyay dhaq-dhaqaaqa ciidanka Milateriga Soomaaliland ay maalmihii ugu dambeeyay ka wadayn degaano katirsan Gobalka Sanaag.

Wasiirka ayaa shirka Golaha Wasiirada ka sheegay in Soomaaliland ay ciidamo badan keentay aagga dagaalka ee Gobalka Sanaag islamarkaana ay walaac qabaan dadka degaanka.

Sidoo kale Shirka Golaha Wasiirada ee Puntland ayaa looga hadlay arimo kale oo ay kamid ah tahay xaaladda magaalada Gaalkacyo oo ay ciidamada gaarka ah ee Puntland kawadaan dhaq-dhaqaaq lagula dagaalamayo kooxaha dilalka ka geesta Gaalkacyo.

 

Image result for golaha wasiirada deni

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker