Dad Maxaabiis Ah ayaa Ku Dhintay Rabshado ka Dhacay Xabsiyada Ethiopia.

 

Xabsiga Debre Markos

Afar maxbuus ayaa ku dhintay waqooyiga Itoobiya, ka dib tiro rabshado ah oo ay maxaabiis sameeyeen, kuwaasoo ka dhacay xabsiyo kala duwan oo dalka ku yaalla.

Jeelal ayaa dab la qabadsiiyey ka dib markii xeer ilaaliyaha guud uu Isniintii TVga dawladda kaga dhawaaqay faahfaahinta sharciga cusub ee cafiska ee dhawaantan la ansixiyey.

Maxaabiistu waxay dalbanayeen in lagu sii daayo sharciga cafiska.

Ilaa 2,500 oo maxbuus ayey arrintan saamaysay, gobolka Amhara, sida ay sheegayaan maamulayaasha.

Laba maxbuus ayaa ku dhintay, seddexna way ku dhaawacmeen hal xabsi oo kaliya, kaasoo ku yaalla Woldiya, ka dib rabshado halkaa ka dhacay.

Laba qof ayaa ku dhintay dhowr kalena way ku dhaawacmeen xabsiga ugu weyn magaalada waqooyiga ku taalla ee Mekele, ka dib markii uu dab ka kacay, kaasoo daba socday rabshado isla xabsiga ka dhacay,

Xabsiga Woldiya oo uu qiiq ka baxayo
Xabsiga Woldiya oo uu qiiq ka baxayo

Taliyaha xabsiga, Yitbarek Alene, ayaa qirtay in maxaabiista qaar toogasho lagu dilay ayagoo isku dayayey inay baxsdaan.

Wuxuu sheegay in boolisku ay qaadeen baaritaan ku saabsan in labada maxbuus ay dabka ku dhinteen ama la toogtay.

Xeer ilaaliyaha guud, Berhanu Tsegaye, wuxuu sheegay in sharciga cafiska aysan ku jirin kuwa lagu qabtay dambiyo la xiriira musuqmaasuq iyo dhac.

Tobanaan maxaabiis siyaasad u xiran ah ayaa la cafiyey oo la sii daayey bilihii dhawaa.

Xigasho: BBC SOMALI NEWS

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker