Ciidamada ATMIS oo dalka ka baxaya iyo Soomaaliya oo masuuliyadda la wareegeysa

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa war ka soo saartay bixitaanka iyo dhimista ciidanka ATMIS ee ka howlgala Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in ilaa iyo dhamaadka bishan June ee aynu ku jirno ay dalka ka baxayaan 2,000 oo ka mid ah ciidamada ATMIS, taasi oo qeyb ka ah qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2628 iyo 2670.

Bayaanka Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in Wasaaradda ay ka go’an tahay sidii ciidanka qalabka sida ay u qaadi lahaayeen mas’uuliyadda amniga ee dalka iyo in ay kala wareegaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker