Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada JSL Oo Gaadhey Magaalada Ceerigaabo.

Ceerigaabo(SOLNA)wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Md Cismaan Jaamac Aadan  iyo wafti uu horkacaayo ayaa gaadhey magaaladda Ceerigaabo ee xarunta  gobolka Sanaag.

waxa wasiirka socdaalkiisan ku wehelinaayey Guddoomiyaha  xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax iyo guddoomiyaha  waxbarashada ee gobolka Sanaag iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada Somaliland.

waxaana goobta soo dhoweynta ee wasiirka ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ee gobolka Sanaag  Axmed Shire Maxamed (Baandheeye) oo sharaxaad ka bixiyey ujeedada safarka Wasiirka, waxaanu guddoomiyuhu sheegay in Wasiirku u socday sidii uu ugu kuur geli lahaa siday ay u socdaan hawlaha Waxbarasho ee kala duwan ee gobolka Sanaag.

waxa iyaguna goobtaas hadalo soo dhoweyn ah ka jeediyey Maayir ku xigeenka degmada Ceerigaabo Saalax Ismaaciil Cabaase , Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag Ismaaciil Cabdi Xasan ,Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre ,Taliyaha qaybta saddexaad ee ciidamada Qaranka Somaliland Kornayl Faysal Cabdi Bootaan ,madax dhaqameed iyo xubno kale oo tiro badan.

ugu dambayna wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md Cismaan Jaamac Aadan ayaa bulshada gobolka Sanaag iyo kuwa degmada Ceerigaabo uga mahad celiyey soo dhoweynta ay ku qaabileen, waxaanu warbixin ka siiyey shirkii Guddoomiyeyaasha waxbarashada ee goboladda dalka ugu soo xidhmay magalaadda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaanu sheegay Wasiirku in shirkaas lagu  guddoomiyey in kor loo qaado waxbarashada dalka.

waftigan uu hogaaminaayo wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa intii aanay gaadhin magaaladda Ceerigaabo waxa ay sii mareen degmada Gar’adag iyo degaano kale oo gobolkaasi Sanaag ka tirsan, iyaga oo soo dhoweyn kala kulmay dadka degaankaasi, waxaanay intii ay degaanadaasi marayeen kormeero indho indhayn ah ku samaynayeen goobaha waxbarasho ee degmooyinkaasi.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker