Dalka Indonesia Oo Markale Laga Digay Khatarta Sunaami Ku Dhufata Xeebaha Dalkaasi.

Indonesia-(OWN)-Saraakiisha Waaxda Tamarta Indonesia ayaa sare u qaaday digniinta ku aadan suurtagalnimada qarax kale oo uu sameeyo foolkaanaha Anak Krakatau, kaasoo todobaadki hore qarax uu sameeyay uu ka dhashay Sunaami dilay dad gaadhaya 430.


Saraakiisha ayaa sameeyay xeendaab xeebta u jira shan km, si looga fagaado khatar ay suurtagal tahay in ay ka timaado foolkaanaha Anak Krakatau oo la sheegay inuu mar kale ka dhexqarxo biyaha dhexdooda isla markaana sameeyo mowjado Sunaami ah.

Khubarrada waxay sheegeen in Sunaamidi Sabtidi hore oo dharbaaxday xeebaha galbeed ee jaziiradaha Java iyo kuwa koofureed Sumatra ay sababeen qarax uu sameeyay foolkaanahaan, iyadoo aanan laga warqabin.

Ku dhawaad 5,00 oo ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, halka ay ku dhaawacmeen 1,500 oo kale halka 20 kun oo ruux ay ku barakaceen Sunaamidi Sabtidi garaacday Indonesia

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker