POLICE FILES : GOGOL DHAAFKA IYO DHIBAATOOYINKA , KA DHASHA

Xasan waxa uu ahaa nin Taxi-siile ah Magaalada Hargeysa , waxa uu lahaa Xaas (Aamina) iyo 2-bo caruurah . waxa Maalin kasta Gurigiisa hortiisa ka raacda Ga badh Niqaab sidata oo dhalinyaro ah oo aad mooddo in ay uur leedahay . Maalintii danbe ayey soo raacday , laakiin Taxi-giisii waxay kaga tagtay Selled ilmo yari ku jiro . isagu muu arkin waxa ay ka tagtay , laakiin qofkii rakaabka ahaa ee soo raacay markii ay Gabadhu ka degtey , ayaa waxa uu weydiiyey : maxaa Selledden ku jira xagga danbe taalla? . Waxa uu ugu jawaabay : Selledee ? . waxa uu arkay ilmo yar oo dhex hurda Seledda . markiiba waxa uu gartay in ay Gabadhii Niqaabka sidatay ay ka tagtay . waxa uu ku noqday meeshii ay kaga degtey . waxba istaankii Gawaadhida Berberi ka bixi jireen ayuu ku noqday ee ay gabadhu kaga degtay . wuu waayey . talo ayaa ku cadaatay . muxuu ilmahan yar ku sameeyaa ? markii danbe ayaa waxa uu gaadhay go’aan ah in uu Police-ka geeyo .
Ninkii Police-ka ahaa , ayaa waxa uu weydiiyey su’aalo ay ka midyihiin : in uu garanaayey Gabadha ? iyo meeshii uu ka soo qaaday ? iyo halka ay kaga degtey ? iyo meesha uu ka helay ilmahan yar ? iyo su’aalo kale ?Waxa uu ku yidhi : ilmahan iska hay  , anaguna waanu baadi doonaynaa Hooyadii . Dood dheer ka bacdi . ( ilmihii ayuu ogolaaday in uu hayo , oo Gurigiisa geeyo , inta xal loo helaayo .
Gurigiisii ayuu geeyey oo ilmihii yaraa oo ooyaaya , ayuu Xaaskiisii inta uu u dhiibay ku yidhi : naa malaa wuu gaajoonayaayee , bal wax soo sii ilmahan ◀️
Kabacdi inta ay yaabtay , ayaa waxay weydiisay : meesha uu ka keenay iyo hooyadii xaggay qabatay ?
Sheekadii inta uu uga sheekeeyey , ayey rumaysan weydey , waxay ugu jawaabtay : waxaa aad sheegeysaa maaha wax la rumaysan karo
ee sheeko kale ken ? adigaa dhalay ilmahan yar oo Hooyadiina kaaga baxsatay . wuu ka dhaartay in aanu isagu shaqo ku lahayn , kadibna Albaabka ayuu ka baxay , inta uu ku yidhi : sida aad doonto ka yeel , waa kaa ilmihii yaraaye ( inta Police-ka uu ka war helaayo ).
Kadibna markii uu Gurigii ku soo noqday qaylo iyo sawaxan ayaa halkii ka bilaabmay hadana , waxna way ka dhegeysan weydey  .
Waxay soo jeedisay in uu dhiig iska qaado ( isaga iyo ilmuhuba ) iyo DNA) si ay u rumaysato in uu isagu dhalay ilmaha iyo in kale .
Arintaas wuu ogolaaday Xasan ay soo jeedisay Xaaskiisu Aamina .
Maalintii danbe ayaa waxay tageen Dhakhtar si gaar ah loo leeyahay , Dhiigii iyo DNA-dii ayuu iska qaaday .ilmihii yaraana , sidii si le’eg .
Maalmo ka bacdi ayey Dhakhtarkii ku noqdeen , si ay natiijadii u ogaadaan .
Waxa uu Dhakhtarkii u sheegey in aanu isagu ilmaha dhalin , oo weliba uu isagu yahay MADHALAYS . arintii buu qaadan kari waayay oo dhawr jeer ayuu hadalkii Dhakhtarkii ku cel-celiyey ( Xaaskiisii Aamina-na halkan ayay ka murmaysaa , sida ay suurto gal ku tahay , in uu madhalays yahay Xasan ( waayo : 2-ba caruur ah ayay u dhashay ) 2-ba Wiil oo midna 8 jir yahay , midna 7 jir yahay iminka .
igaya oo 2-ba doodiiba aamusan yihiin ayay Gaadhigii wada raaceen . Xasan oo  ogaaday  , in ay Xaaskiisu khiyaameysey .
Xiligii uu guursaday muddo 4 sano ah waxba umay dhalin . kadibna in ay ka baqatay in uu furo , oo ay markaa go’aansatay in ay gogol dhaafto .
waxaanu xasuustay Nin uu Gurigiisa dhawr jeer ugu yimid , oo ay ku odhan jirtay : waa inaabtigay .
Markii uu Gurigii tegey ayuu 2-dii Wiil u yeedhay . aad iyo aad buu wejigoodii u eegay oo ugu dhaygagay . waxay u egyihiin 2-ba dooduba Ninkii ay odhan jirtay ( waa inaabtigay ) ee uu ku yidhi , maalintii danbe : Ninkanu Guriga ha yimaaddo marka aan joogo , laakiin marka aan maqanahay , ma ogoli Nin  kale oo Gurigiisa uu ugu yimaaddo ( iyaduna Aamini , waxoogaa bay yara qayl qaylisay ) laakiin Ninkii mar danbe Gurigiisa Xasan ugumuu imanin.
inta uu Xasan ilmihii yaraa Sinbiil (Sallad) ku ritay , ayuu Albaabka ka baxay . markii uu ogaaday in Xaaskiisu ay khiyaamaysay oo ay gogol dhaaf samaysay , oo uu ku tabcaayay caruur aanu dhalin.
Albaabka ayuu ka baxay , markii uu Gaadhigiisii Albaabka furayey , ayaa waxa uu maqlay , Gabadh Niqaab sidata oo la hadlaysa , oo codkeeda uu hore u maqlay , inta uu xaggeedii jaleecay , ayey iyadiina Niqaabkii wejiga ka qaaday , codka wuu garanayaa , laakiin wejigan quruxda badan hore umuu arag .
Waxay ku tidhi , ilmahayga isii , oo raali iga ahaw dhibaatadii aan kuu geystey .
Soo kor buu ku yidhi Gaadhiga . inta uu meel geeyey ayaa waxa uu weydiiyey qisadeedu , maxay tahay ( bal in ay u waranto , waxa ku kelifay in ay ilmaheedii ay dhashay tuurto .
Gabadhii waxay uga warantay in uu Nin weyn oo caan ahi ka dhalay ilmahan , oo uu la saaxiib ahaa , kadibna markii uurku ku soo baxay in uu u sheegay in ay iska soo riddo , inta uu lacag siiyay , kadibna way kari kari weydey . markaa in uu Guri u kireeyey inta uu xal u helaayo .
waayo , ma guursan karaayo , oo Xaaskiisu haddii ay ogaato in ay dhibaatooyin badani soo gaadhi doonaan isaga .  waayo ? waa Haweeney Taajirad ah oo jago sarena Dawladda ka haysa .
Markaa markii ay 7-ba bilood gashay ayaa ugu danbeysey m isaguna waxa uu u sheegay in uu Guriga ay deggen tahay  5 Bilood kiradiisii sii bixiyey , iyadana in uu lacag fiican siiyey , ay ku umusho , oo ku Afartan baxdo . Dib danbeysana aanay u ararg .
Markii ay umushayna talo ku caddaatay oo aanay si fiican u fekerin , ee ay ka fekertay sidii ay isaga furdaamin lahayd ilmahan .
Kabacdina ay Berbera iyo Hooyadeed u tagtay , kabacdina markii ay Hooyadeed arinkii ugu warantay , ay kula talisay in ay ilmaheeda ka daba tagto , oo soo qaadato , oo ula timaaddo.
Xasan inta uu sheekadeedii dhegeystey , ayaa waxa uu uga waramay , ilmahan yari in uu sabab u ahaa khiyaamadii uu ku jiray (oo in uu ilmahan yari u kashifay) .
khiyaamadii Xaaskiisu kula kacday ee gogol dhaafka ahaa .
Waxa uu Xasan Gabadhii dhalinyarada ahayd u soo jeediyey in uu diyaar u yahay in uu ku qaato ilmahan , oo uu Guursado , oo uu korsado ilmo uu garanaayo in aanu dhalin, halkii uu ka korsan lahaa ilmo aanu dhalin , laakiin uu u haysto in uu isagi dhalay .
Gabadhii aad bay ugu faraxday arinkii uu Xasan u soo jeediyey , waanay aqbashay (ogolaatay).
Xasan inta uu Gaadhigiisii iibiyey , ayuu magaaladiina ka guuray , meheradna Berbera ka furtay .
Aamina oo xaaskiisa ahayd , inta talo ku cadaatay , ayaa waxaa la soo kulantay , nolol aad u adag oo faqri iyo xanuun badan . Aaminina may ahayn qof wax baratay . markaa gogol dhaafku iyo khiyaamadu dhibaatooyinka ay leedahay , way fara badan yihiin .
CALI MAXAMED BIIXI
caliwwelli@hotmail.cp.uk.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker