Duulimaadyada Belgium Oo Maalin Dhan La Hakiyey

Dhammaan duulimaadyada ka baxa ama taga dalka Belgium ayaa maalin dhan la hakiyay ka dib markii ay shaqa joojin sameeyeen shaqaalaha, sida ay shaacisay hay’adda kala hagta diyaaradaha ee dalkaasi.

 

Hakinta duulimaadyada ayaa billaabatay Talaadadii 10-ka fiidnimo ee xilliga dalkaasi.

Saddex ka mid ah ururada shaqaalaha ee Belgium, ugu weyn ayaa shaaciyay shaqa joojinta.

Hay’adda hagta duulimaadyada dalkaasi ee Skeyes ayaa sheegtay in aanay hubin tirada shaqaalaha u soo shaqa tegi doona shaqa joojinta awgeed.

 

Hay’adda ayaa intaa ku dartay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta badqabka, sidaana aanay sameyn karin maadaama aanay soo xaadiri doonin shaqaalaha muhiimka u ah hawlahaasi.

Shaqa joojinta ayaa sidoo kale wax xoogaa saamayn ah ku yeelan doontaa diyaadaha mara hawada Belgium, maadaama Skeyes ay mas’uul ka tahay hawada joogeedu yahay 7,500m.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker