Ra’iisul Wasaare loo hanjabay, xilli uu mid kalena ku dhaawacmay Isku-day Dil

Ra’isul-Wasaaraha dalka Poland, Donald Franciszek Tusk ayaa sheegay inuu helay fariimo loogu hanjabay in la dili doono, kadib, toogashadii lagu dhaawacay dhigiisa dalka Slovakia 🇸🇰,  Robert Fico.

Qoraal uu RW dalka Poland  soo dhigay Barta X  ayaa waxa uu tilmaamay inuu shalay helay Fariimihii ugu badnaa ee loogu goodiyey in la khaarijin doono.

Waxa kale oo uu soo dhigay Screenshot uu ka qaaday Fariimaha Cabsi-gelinta ee loo soo diray. “, Slovakia waxay na siiyeen Tusaale waxa lagu samayn doono Donald Tusk,  haddii uu go’aansado inuusan maalgelinin Garoon weyn oo Diyaaradeed oo laga hirgeliyo Bartamaha dalka Poland “.

RW Donald Franciszek Tusk oo 67-jir ah waxa uu xilkaasi hayey tan iyo sanadkii hore ee 2023-ka.

Docda kale,  Shabakadda Wararka Poland ee Wp.pl waxay cadadkii ah qortay inay Il-wareed ka tirsan Adeega Ilaalinta Dowladda Poland (The State Protection Service) sheegeen in la xoojin doono Ammaanka RW Donald Tusk, kadib, Isku-daygii Dilka ee lagu dhaawacay RW dalka Slovakia,  Robert Fico, kaasi oo ay xaalladiisa aad u liidato.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker