Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Oo Sheegay Inay khasab Tahay In Uu Hirgaliyo Nidaamka Xisbiyada Badan

Ra’iisalwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmad, ayaa sheegaya in Itoobiya ay khasab ku tahay in ay qaadato nidaamka xisbiyada badan si loo gaaro nabad waarta iyo horumar.

Abiy Axmad ayaa hadalkan jeediyay mar uu magaalada Addis Ababa kula kulmayay hoggaamiyeyaasha in kabadan 50 xisbi siyaasadeed, xilli isbadal weyn oo siyaasadeed uu ka socdo dalkaasi.

Muddo sanada ah ayaa xisbiga haya talada dalkaasi waxa uu adeegsanayay cabburin shacab si uu u siihayo hoggaanka dalka, waxaana markastaa dhacayay in guud ahaan kuraasta baarlamaanka uu xisbigaasi ku guuleysto mar kastaa oo ay doorasho dalkaasi ka dhacdo.

Cabburinta iyo xarigga kumannaanka qof ee ay dowladda ku dooneysay in ay xukunka ku sii haysato ayaanan u suurtagelin in ay ka hortago muddaharaadyo ka dhan ah dowladda oo soconayay muddo laba sano ah.

Balse tan iyo markii uu xukunka dalkaasi la wareegay ra’iisalwasaare Abiy, waxaa dalkaasi ka dhacayay isbadallo xoogan oo ay ka mid ahaayeen in oodda laga qaado maxaabiista u xirnaa arrimaha siyaasadda iyo in uu heshiis nabadeed la galo dalka deriska ah ee Eritrea.

 

Xigasho: BBC Somali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker