Dawlada Maraykanka oo sheegatay inay Duqayn ku Dishay Masuul AlShabaab ah oo ku Lug lahaa Weerarkii lagu Qaaday Saldhigooda Manda Bay

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in Duqayn dhacday 22-kii bishan Febraury lagu dilay laba Argagixiso ah, oo mid ka mid ah uu lug ku lahaa Weerarkii Al-Shabaab ku qaaday Saldhigga Ciidamada Kenya iyo Maraykanka ee Manda Bay ee Gobolka Lamu.

 

Maraykanku waxay sheegeen in qofka labaad ee la dhintay ay ahayd Xaaskiisa oo xubin ka ahayd Al-Shabaab.

Waxa milatariga Marayanku sheegay in labada xubnood ay kala ahaayeen Sarkaal sare oo Al-Shabaab ah oo mas’uul ka ahaa qorshaynta iyo Diyaarinta hawlgallada ka dhaca dhulka Xuduudda la ah Kenya oo uu ku jiro weerarkii Manda Bay iyo Xaaskiisa oo xubin ka ahayd isla markaana fududaysay ficillo Argagixiso ah, sida ay sheegeen ciidamada Maraykanku.

 

Waxay sheegeen milatariga Marayanku in ilaa 5-tii January  ay ku daba jireen kuwii Weerarkaas mas’uulka ka ahaa.

Taliyaha AFRICOM Jeneraal Stephen Townsend ayaa sheegay in Maraykanku uusan ka Hadhi doonin kuwa qaba dhiigga Maraykanka iyo kan ciidamada Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker