Muwaadin Liibiyaan ah oo Dad Biritish ah ku Laayay Gudaha Boqortooyada

Saddex qof ayaa ku dhintay tiro saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii lagu toorriyeeyey Baakin ku yaal magaalada Reading, ee dalka Ingiriiska sida ay booliisku xaqiijiyeen.

 

Nin 25 sano jir oo lagu tuhunsan yahay falkan kana soo jeeda magaalada Reading ayaa loo qabtay weerarka.

 

Weerarku wuxuu ka dhacay Beeraha Forbury abaare 7-dii fiidnimo xiliga dalka Ingiriiska halkaas oo dhowr qof toorri lagu weeraray.

 

Ilo wareedyo dhanka amaanka ah ayaa u sheegay BBC-da in ninkan loo qabtay kiiskani uu yahay yahay Liibiyaan.

 

 

Qof goobjooge ah ayaa BBC-da u sheegay in uu arkay nin dhex maraya dadka oo ku sugnaa beerta isaga oo isku dayaya inuu mindi la dhaco.

 

 

Waxaa jira warbixino sheegaya in sarkaal booliis ah uu si dirqi ah ku qabtay tuhmanaha isaga oo isku deyaya inuu baxsado sida laga soo xigtay wargeyska Sunday Mirror.

 

 

Taliyaha booliska Thames Valley ayaa sheegay ineysan jirin cid kale oo ay ku daba joogaan weerarkan.

 

Waxa uu intaasi ku daray ineysan haatan dhacdadaan u aqoosanayn fal argagixsisonimo ah balse booliska ay weli baadhitaan wadaan iyagoo taageero ka helaya booliska la dagaalanka argagixisada ee koonfurgalbeed.

 

 

Booliska ayaa codsaday in qofkasta oo haya muuqaal ama sawir la xidhiidha weerarkan uu soo gudbiyo.

 

 

Balse waxaa dadka loogu baaqay ineysan baraha bulshada ku faafinin sawirada iyo muqaallada laga duubay weerarka, hadakan ayaa ku soo beegmaya kaddib markii baraha bulshada lagu arkayay muuqaallo dhex-wareegaya oo la xidhiidha weerarka.

 

 

Booliska Thames Valley ayaa sheegay in dhacdada aysan la xiriirin ololaha nolosha qofka madaw waa muhiim oo mar sii horreysay ka socday goobta ay mashaqadu ka dhacday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker