Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari Kenya

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, tiro intaasi ka badan way ku dhaawacantay, ka dib markii saaka uu qarax xoogan ka dhacay Gobolka Soomaalida Kenya.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Bankiga Equity ee deegaanka Elwak oo ka tirsan Ismaamulka Mandhera, waana goob dacalka ku haysa Saldhigga Booliska Elwak.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya nooca uu qaraxu ahaa. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay miino la soo dhigay goobtaasi, halka warar kalena ay sheegayaan in uu ahaa mid uu gaystay nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa.

Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhashay gaari dameer lagu soo raray walxaha qarxa, isla-markaana la keenay bannaanka hore ee Saldhigga Booliska.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka la beegsaday ay u badan yihiin dad isaga kala yimid gobolada kale ee Kenya.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay inay arkayn meydadka shan qof oo aan deegaanka ahayn iyo dhaawaca tiro intaasi ka badan.

Goobjoogeyaasha ayaa intaasi ku daray in dhimashada ay ka badan karto inta la ogyahay, maadaama ay jiraan dad badan oo xaaladdoodu ay garaab tahay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku badan dadka aan deegaanka u dhalan, kuwaa oo ay ku jiraan macalimiin, Saraakiil boolis iyo Shaqaalaha Daryeelka Caafimaadka ee gobolka.

Ciidamada ammaanka ayaa hadda wada baaritaano la xiriira qaraxaasi, lamana soo sheegin cid ay illaa iyo hadda u soo qabteen.

Dhanka kale Maamulka Bankiga Equity ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyay howlihii shaqo ee Laanta Elwak.

“Waxaan ka xunahay inaan idinku wargelino in Laantayada Elwak ee Mandhera ay maanta xirnaan doonto, ka dib qaraxii ka dhacay Elwak.” Ayuu baanku ku sheegay qoraal uu soo saaray.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Waxaan xaqiijinaynaa in Laantayada  iyo Shaqaalaha Elwak ay badqabaan.”

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan, marka laga soo soo taggo in lala xiriirinayo Al Shabaab.

Deegaankan ayaa ku dhow xuduudda Kenya ay la wadaagto Somaliya, waana deegaan ay inta badan weeraro ka gaystaan Shabaabka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker