Heesta Waxba iila Maad Hadhin iyo sidii ay ku timid

Heestan wuxu markii ugu horeysay soo saaray abwaan Cabdiqays 1988kii markii Burco iyo Hargeysa dagaaladu ku dhexmarayeen Xoogagii SNM iyo Ciidamadii Taliskii Siyaad Barre. Wakhtigaasi Cabdiqays wuxu joogay Muqdisho waxanay aad isugu xidhnaayeen niman Madax sare ka ahaa dawladda oo weliba hayb ahaanna reerka uu Siyaad Barre ahaa ka soo jeeday qaarna ay qoyska odaygaba ahaayeen, taas oo dadkii taageersanaa SNM qaarkood ay gaadheen heer ay ka shakiyaan.

Maalintii ugu horeeysay ee heestan uu soo saaray waxa la fadhiyaa guri ay degenayd fanaanadii waynayd ee Shamis Abokor (Guduudo) waxanu la fadhiyaa nin janan( Sareeye Guuto) ahaa oo la odhan jiray Cabdi Xaaji Xaashi oo Siyaad Barre uu seedi u ahaa iyo nin isaguna isla reerkaas ah oo Baanka Dhexe gudoomiye ka ahaa oo la yidhaa Maxamed Aadan Guud, dad kale oo fanaaniin u badan rag iyo dumarba lihina way fadhiyaan.

Zaynab Cige oo dagaalku uu ugu dhacay Hargeysa ayaa dirqi kursi ku soo heshay dayuurad oo ka soo degtay Muqdisho waxay markiiba daf soo tidhi gurigii Guduudo oo ilyartu isqabatay. Zaaynab oo warkii kub-ku-siigaalaha sidday ayaa la waraystay oo si daacad ah isaga warrantay. Ninkii odaygu seediga u ahaa oo malaha xamili waayay warkii dhiilada lahaa ee Zaynab ayaa is-hayn waayay oo sua’aal lama filaan ah ka   dhex tuuray waraysigii oo yidhi “Zaynab horta Isaaq muxuu doonayaa?” Shib baa la wada yidhi hadalkiina waxa horarsaday  ninkii ugu xigay ee tolkii ahaa oo yidhi “waar xishood ragoodii baa fadhiya ee dumarka wax ha waydiin” shaw goobtana wax rag ah oo duriyadda ah Cabdiqays waaba keligii, dadkii oo dhamina mar keliya xagiisa ha soo wada jaleecaan. Hadal waxa ka soo baxay “ Khadraay kamankaa ii dhiib” Khadrina fartay ka saartay markaasuu bilaabay heestan oo Khadri Daahir ay qaado

 

Waaxyahayga go’an baad

Waraabaha ugu baaqdoo

Wadar habar dugaag baad

Wacdayood u yeedhoo

Ku wiirsaad lahaydoo

Noloshaba ha waayee

Anuun baan wadkaygiyo

Wakhtigaygu galinoo

Waynahu i daayee

Waxba iila maad hadhin

 

Wabiga i sitee

I walwaalayaa

Xaguu igu waadaa

Waydiiya oo

Wed waa loo dhashee

Wax ka daran miyuu

Ii warinayaa?

Waraariyo jar dheer

Waadiga xargaga

Hayga weecinoo

Hayga waabin dhaha

Imisaan walwaal

Iyo ceel wardheer

Kaga baxay wadaan?

Imisaa waaheen

Wabi soo rogmaday

Igu daray bad weyn

Waxna aanan noqon?

 

Adoo walax suniyo

Waabay cabaa

Waa kuu beryaa

Wirriiriga hadii

Wed lagaaga dhigo

Ma ogtahay wakhtiga

Lama waabiyee

Waaceen jiriyo

Wehel baynu nahay

Wanaagaan qabana

Wayga wayraxshaan

Waan ku waaniyaa

Wacdigaad dhegaha

Waydaarisaa

Wanaag baan sidaa

Jacayl baan wadaa

Anoo waafiyaad

Wayd iga dhigtaa

Waraar iyo jar dheer

Waadiga xargaga

Hayga weecinoo

Hayga waabin dhaha

Waaceen jiriyo

Wehel baynu nahay

Wanaagaan qabana

Wayga wayraxshaan

Waan ku waaniyaa

Wacdigaad dhegaha

Waydaarisaa

Imisaa waaheen

Wabi soo rogmaday

Igu daray bad weyn

Waxna aanan noqon

Wanaag baan sidaa

Jacayl baan wadaa

Anoo waafiyaad

Wayd iga dhigtaa.

Maqaalkan Waxaa Qoray

 

 

Cali Guray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker