Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Xabsiga Dhigay Nin sheegtay In uu Yahay Taliyaha Sirdoonka NISSA Ee Jubbaland.

Muqdisho-(OWN)-Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa xalay xidhay  Daahir Mire Ducaale oo sheegtay in loo magacaabay taliyaha hay’adda Sirdoonka ee Jubbaland.

Warkan ka soo baxay taliska hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in shaqsigan uu watay warqado been abuur ah, islamarkaana ay ciidamada amniga gacanta ku soo dhigeen xabsigana loo taxaabay.

“Shaqsi sheegtay inuu Taliyaha NISA u magacaabay qeybta Jubbaland oo watay warqado been abuur ah ayaa ciidamada amniga caawa fiidkii soo qabteen. ciidamadu waxey u taagan-yihiin ilaalinta kala danbaynta”.ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay taliska NISA.

Shaqsigan ayaa dhawaan sheegtay in loo magacaabay taliyaha NISA ee Jubbaland, iyadoo dowlad goboleedka Jubbaland ay ka soo celiyeen magaalada Kismaayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker