Somaliland Oo Amaro Adag ku soo Rogatay Bulshada Magaalada Ceerigaabo Ee Gobolka Sanaag

 

Maamulka Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa soo saaray amar Cusub oo lagu mamnuucayo in shirar looga hadlayo Arrimaha siyaasadda Somaliland lagu qabto gudaha Magaaladaas.

 

Taliyaha qaybta Booliska Sanaag oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ciddii qabsanaysa shirar Siyaasadeed looga baahan yahay inay fasax kasoo qaadato Maamulka Gobolka.

 

Isaga oo sii hadlaayay ayuu Taliyaha Booliska tilmaamay in cidii aan u hoggaansami weyda amarka uu soo saaray Maamulka Magaalada Ceerigaabo laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

 

Maamulka Somaliland ayaa horey Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer uga mumnuucday in lagu qabto shirarka Siyaasadeed.

Arrintaaan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa, iyadoo taageerayaasha Siyaasiga Maxamuud Xaashi ay kulamo ay shirweynaha xisbiga Kulmiye kaga soo horjeedaan ay muddooyinkan wadeen.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker