Jarmalka Oo Looga Dabaal Dagay 30 Guuradda Burburintii Darbiga Barlin

Daawo:Ra’isul wasaaraha Jarmalka Angela Markel ayaa ku boorisay wadamada Yurub in ay difaacaan xornimada iyo Dimuquraadiyadda kadib khudbad ay Sabtida  Shalay ah ka jeedisay , sanad Guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay markii la burburiyay darbigii Baarliin.

Ms Markel oo la hadlaysay marti sharaftii ka soo qeybgashay xaflada xuskan oo ka dhacday kaniisad ku taal Baarliin ayaa waxay tilmaantay in ka hogaamiye ahaan ay xasuusaneyso wixii uu soo maray Jarmalka.

 

Hogaamiyaha Jarmalka ayaa dhanka kale uga mahad celisay wadamada Yurub dadaalka ay u galeen dimuquraadiyadda uu hada Jarmalka ku naaloonayo, iyadoo dhanka kale ku boorisay in loo taagnaado balse aan lagu seexan guulaha la Gaaray.

Shacabka Jarmalka ayaa gabi ahaanba dhulka la samiyay gidaarka magaalada Barlin ee Jarmalka u kala qeybinayay bari iyo galbeed, 9-kii bishii November ee sanadkii 1989-kii iyadoo ilaalada darbiga aysan ka hortagin Ficilkan.

 

 

Arintaan ayaa waxaa ka carooday hogaamiyeyaasha wadamada bariga ee kala ah Poland iyo Hungary oo ku tilmaamay talaabadan mid xadgudub ku ah sharciga iyo kala Danbeynta.

Burburinta darbiga Berlin ayaa dhanka kale wuxuu bilow u ahaa kala taggii ku yimid wadamada ku bahoobay Soofiyeetka oo Ruushka uu Hogaaminayay.

Inkastoo xisbiyada shuuciga ah aysan xiligaan awood muuqata ku laheyn Jarmalka ayaa hadane dalkaas waxaa uu waxaa muuqata saameynta xisbiyada midigta ee Naasiga raacsan kadib markii kuraas ay ka heleen doorashadii ka dhacday Gobolada.

Angela Markel ayaa ugu danbeyn marti sharaftii ka soo qeybgashay sanad guuradaan u xaqiijisay in wax waliba uu ku bixin doono xisbigeeda difaaaca xoriyadda iyo dimuquraadiyada Jarmalka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker