Hadalka Loo Sibir Saarayo Xadhiga Ay Caawa Xukuumadda Biixi Kula Kacday Suldaan Cadde-gudde.

Waxaanu Halkan Idiinku Soo Gudbinaynaa Muuqaal Xambaarsan Hadal Adag Oo Uu Hore U Jeeddiyey Guddoomiyihii Guddida Guud Ee Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq (GAR-XAJIS), Ah-na Suldaanka Beesha Yoonis Cabdiraxmaan Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gudde, Lanna Xidhiidhinayo Inuu Sabab U Yahay Xadhigiisa Caawa Magaaladda Hargeysa Xukuumaddu Ku Xidhay.
Guddoomiye Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gudde, Ayaa Mar Dhowayd sidda La Sheegay Ay Gurigiisa Magaaladda Hargeysa Uu Ka Deggan Yahay Kasoo Qabteen Ciidanka Booliska Ee Caasimadda Dalka Ee Hargeysa.
Ma Cadda Sababta Dhabta Ah Ee Ka Dambaysa Xadhiga Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gudde, Balse Waa Talaabo Aad Loo La Yaabay In Si Badheedh ah Loo Xidho Guddoomiyihii Guddida Guud Ee Beel-weynta GAR-XAJIS Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gudde Oo Ka Mid Ah Madax-da Dhaqanka Ee Dalka Kuwa Ugu Saameynta Iyo Magac Weyn.
Guddoomiye Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gudde, Ayaa Shakhsiyan Ka Mid Ah Madax-dhaqmeedka Sidda Weyn U Taageersan Muddaharaad-yadda Salmiga Ah Ee Ay Xisbiyadda Mucaaridka Ah Ee WADDANI Iyo UCID Dalka Ka Waddaan. Isagoo Si Gaar Ah Uga Qaybgalay 11/08/2022 Muddaharaad-yaddii Salmiga Ahaa Ee Dalka Ka Dhacay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker