Inkastuu is daaxuuriyoo duubcas kolanyaysto……(Gabay Muuse Biixi): By Maxamuud Ibrahim

Ma Muusaha wax duudsinahayee degelka boobaaya
Ee derisyadii kala raree dacarta beeraaya
Ee suu isagu doonayuun diiradda u taaga
Ee damalkii uu geli lahaa dogobka saaraaya
Ee damaca qaawani hagiyo doonis keliyeedku
Ee tii dorraatuun dhacduun weli dubaaqaaya
Ma dalbuu xukumayaa haddaan dulucda kuu dhiibo
Mise waabu kala diri intii dani walaalaysay?

Duufaanta fooruhu wadee digaydu yeedhayso
Ninka doonta aan haguhu wadin moolka dalaqsiiyey
Ee aan dabaashana aqoon Diiriyena reebay
Inkastuu is daaxuuriyoo duubcas kolanyaysto
Oo dacafka uu taago oo dibinta uu ruugo
Waa daahir yaa shamis inuu degayo saw maaha?

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker