Musharraxa kaliya ah ee la tartamayo madaxweyne Geelle oo bilaabay ololahiisa doorashada

Dalka Jabuuti waxaa maalintii labaad galay ololaha doorashada madaxtinimada ee lagu wado inay dalkaasi ka dhacdo 9-ka bisha Abriil ee soo aaddan.

Madaxweynaha haatan xilka haya, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa doorashada waxaa kula tartamaya Zakariya Ismaaciil Faarax oo ah musharraxa kaliya ee bannaanka isu soo dhigay inuu Geelle la tartamo.

Axsaabta mucaaradka ayaa qaadacay doorashada iyagoo sheegay in aanay ku kalsooneyn in codbixinta ay noqon doonto mid xor iyo xalaal ah, walow arrintaasi ay dowladda dalka ka arrimisa ay gaashaanka u daruurtay.

Waxaa deegaanno ka tirsan Jabuuti ka socdaa ololaha doorashada, iyadoo madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle uu si rasmi ah u bilaabay olalahiisa doorashada.

Halka musharrax Sakariye Ismaaciil Faarax uu isagana ka daahfuray olalahiisa xilli uu isu soo bax siyaasadeed ku qabtay gobolka Carte.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker