Sheekadii Madaxwayne Muuse Biixi “”DAR ALLE AYAANU KUU AAMINAY”” W/Q: Khadar Ibrahim Aar

Shirka Jabuuti : Shacbiga Somaliland “”Muusoow – DAR ALLE AYAANU KUU AAMINAY””Muuse waxa uu yidhi “” WAAD NA TUHUN’TEENE WALLAY IGA TAHAY””
Waatan sheekadii Burco:
Nin reer Burco ahaa lana odhan jiray Siciid, isla markaana lagu naanaysi jiray “” Siciid Niicda-kama helo”” ayaa waxa uu lahaa Baabuur Booyad ah ,Magalada Burcona Biyaha loogu dhaamiyo,isla markaana qaab ganacsi u shaqaysa,Siciid waxa uu Booyadii u dhiibay si uu ugu shaqeeyo Darawalna uga dhigay nin markaasi isaguna Reer Burco ah.
Ninkii Darawalka Booyada looga dhigay waxa uu qabsaday hawshiisii waanu ku shaqeeyey Booyadii,wixii markaasi dhaqaale ay soo saartana xilli ay markaasi wada xisaabtamaan ayey ku balameen Siciid iyo Darawalku.
Ilahay Amarkii waxa inta badan iska dhacda in Darawaliintu ay sidoodaba ay yihiin niman iska Qaad cunis badan  ,cunista Qaadkana aad ugu dheereeya ,lagana yaababa in aad aragto markasta iyaga oo aan Af-koodaba aan ka saarayn.
Siciid oo ah Mulkiilahii Booyada ayaa waxa uu markasta arkaa Darawalkii Booyada uu u dhiibtay oo Qaad Jabane Aroortii cunaaya,Galabtii Afka ku haya ,ilaa Habeenkii mararka qaar jilibku u laaban yahay,hadana sidaasi oo ay tahay ninkaasi Darawalka ahi Babuurkaa Booyada ah waa uu ku shaqeeyaa Lacagna waa uu kusoo saaraa.
Inkastoo Siciid Booyadu qaabka ay u shaqayso iyo Lacag waxa ay soo saarto ee Darawalku u keeno aanu saluugbadan ka muujin,hadana sidaasi oo ay tahay waxaa maskaxdisii qaadi kari wayday Qaadkan iyo Sigaarkan aan kala go’a-lahayn ee Darawalku isticmaalaayo maalin iyo Habeenba.
Siciid waxa soo galay Maskaxdiisii shaki ,Warwar iyo dareen odhanaaya Isaga iyo Allahiiye ,Xaajigan aad Babuurka Daniga uga dhegtay ,Qaadkan uu Habeen iyo Maalin cunaayo meelkale kama keenoo adiga ayuu ku khiyaameeyaa.
Siciid madamaa uu yahay nin caqli iyo garasho badan,xishood iyo ixtiraamna uu u hayo Darawalka ,tuhunka iyo shaki mooyaane aan wax cadna aan ku haynin Darawalka Booyada ,balse cunista Qaadka ee aan kala joogsiga lahayne ay keentay shaki iyo tuhumo ,ayaa waxa uu ka fikiray Siciid ,sidii uu Darawalka u dareen siin lahaa in uu la socoda hab dhaqankiisa cunista Qaadka iyo halka uu ka keeno Lacagta Qaadka.
Siciid waxa  uu soo qaatay waxoogaa Rinji ah kadibna waxa uu Babuurka Wajigiisa hore ku qoray Halkudhiga odhanaaya “”DAR’ALLE-AYAAN KUU AAMINAY”” wakhtiyar markii laga joogay ayaa Darawalkii waxa uu arkay qoraalkan Babuurka wajahadiisa lagu qoray,balse ilayn waa Nin reer Burcee waxa uu dareemay in qoraalkan uu leeyahay Siciid oo ah Mulkiilaha Booyadu,kasoo ku tuhmaaya Darawalka Xatooyo xoolaha Booyada kasoo baxa.
Darawalkii markii uu Qoraalkaasi Gaadhiga wajahadiisa lagu qoray  uu akhriyey, gartayna in Mulkiilaha Gaadhigu waa Siciide uu ka shakiyey ,ayaa isna Gaadhiga Xagiisa Danbe waxa uu ku qoray halku’dhiga-odhanaaya “” WAAD NA’TUHUNTEE WALLAY NAGA TAHAY”” oo loo macnaysanaayo in Darawalku uu iska bariyeelaayo Xatooyadaa iyo tuhuunkaa laga qabo.
Caqligaa iyo garashadaa xeeldhiirida leh ee ay isticmaleen labadaasi nin,waxa ay soo af-jartay iyada oo aan garnaqsi iyo hadal-tiro midna aan la isticmaalin in lays fahmo,wakhti yar ka bacdina waxaa Labadii Qoraal laga masaxay Gaadhigii Booyada ahaa,sidaasi ayaanay Darawalkii iyo Musuulkii Babuurka lahaa isku aamineen.
Ujeedada aan sheekada ka leeyahay waatan:
Muuse Biixi Cabdi waa Madaxwaynaha Somaliland,In’dhawaalaba oo aan sidaasi u fogayn waxa ay dadka Somaliland iyo aniga oo ah taagerayaashiisa Mudh’baxay =HADDA MUDH BAXAY  Ilahay amarkii,waxa aanu mararka qaar saluugaynay hab-dhaqanka siyaasada dibada ee Somaliland iyo shirarka uu la yeelanaayo Kooxda Muqdisho ee Guryaha lagu ilaaliyo,Shaanbadahana Shandadaha ku sita,Suudhahka iyo Dharka aadka u qurxoona ku xaragooda Dawladnimana aanay uga hoosaynin.
Waxaa shaki iyo Dareen dadka Somaliland galiyey ,Hawadii iyo Hamigii odhanaayey
1.**””Farmaajaa Hargaysa imanaaya””!!
2.**””Madaxwayne Abay axmed ayaa ila soo hadlay””!!
3.**””Shirka Adis-ababa Gucle ayaan ku imi””!!
Hadal iyo Hilbaba kala qalane,Madaxwayne Muuse Biixi, waxa aanu Gaadhiga Wajahadiisa ugu qornay “”DAR’ALLA AYAANU KUU AAMINAY “” Balse Madaxwaynahu waxa uu nagu shaafiyey ,sidii Raganimada lahayd ee uu uga hadlay Shirkii Jabuuti,waxaanu Gaadhiga xagiisa danbe noogu qoray Madaxwaynuu  “”WAAD I TUHUN’TEENE WALAY IGA TAHAY.
W/Q: Khadar Ibrahim Aar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker