Fadeexaddii Ugu Waynayd Abid Ee Soo Waajahda Wadanka Soomaaliya!!!!!. Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Somaliland Axmed-Sakatuurii Aadam Cadhood Hargaysa Somaliland Republic.

Soomaaliya  28 Sano Ee Aanay Yeelan Nidaam Dawladeed Oo Awood Milateri, Awood Boolis, Ciidamo Badeed, Awood Ciidamo Cireed, Awood Maamul, Kala Dambayn, Isla Xisaabtan!!!!, Mudadaas Dheer Iyo Muddo
Lix Sano Oo Ay Haysatay Aqoonsi Fooljeriya Oo Aan Lagu Aamini Karin Dhaqaale Wadamadda Caawiyaa Ay Dhaqaalaha U Gacan Geliyaan Hay’ado Ay Aaminsan Yihiin!!!!!!!!!!, Hay’adahaas Oo Hoos Yimaada Qaramadda Midoobay Iyo Qaar Si Toosa Uga Socda Wadamadda Naato Ama Wadamadda Reer Galbeedka!!!!!!.
Soomaaliya Waxay Ka Mid Tahay Lixda Wadan Ee Colaaduhu Ka Jiraan Ee Ugu Musuq Maasuqa Badan Oo Aan Lagu Aamini Karin Dhaqaalaha Lagu Caawiyo, Lixdaas Wadan Oo Kala Ah Soomaaliya, Afghanistan, Liibiya, Kaamboodiya, Yemen Iyo
Suuriya, Lixdaas Wadan Waxaa Dhaqaalaha Loogu Dhiibaa Hay’ado, Halka Somaliland Laga Saaray Hay’adihii Loogu Dhiibi Jiray Dhaqaalaha Lagu Caawiyo 2012, Dhaqaalaha Somaliland La Siiyo Muddo Sideed Sano Ah Wadamadda Caawiyaa Si Toosa Ayey U Gaadhsiiyaan, Sababtoo Ah Somaliland Way Ka Musuq Maasuq Yar Tahay Lixdaas Wadan Ee Colaadaha U Noqday Wehelka!!!!!!!.
Qaramadda Midoobay Iyo Golaha Amaanku Waxay Isku Raaceen In Soomaaliya Loo Sameeyo Banki Aamina Oo Shaqeeya, Oo Ay Gacanta Ku Hayaan Qaramadda Midoobay, Wadamadda Reer Galbeedka, Loona Wakiisho Wadanka Ingiriiska, Agaasimahaas Guud Oo Madaxwayne Farmaajo Khasab Lagaga Dhigay Inuu U Magacaabo Agaasime Guud Oo Ka Soo Jeeda Wadanka Ingiriiska Oo La Yiraahdo Nigel Roberts, Bankigaasina Noqdo Bangi Ay Gacanta Ku Hayaan Agaasime Guudna Ay Ka Yihiin Wadamadda Reer Galbeedka, Si Bankiga Dhexe, Iyo Bankiga Ganacsigu Ay U Noqdaan Bangiyo Caalamka Si Toosa Ula Shaqeeya.
Wadamadda Reer Galbeedka Iyo Qaramadda Midoobayna Looga Dabo Fadhiisto Dhaqaalaha Iyo Dib U Dhiska Soomaaliya!!!!, Somalilandna Qaybteeda Dhaqaalaha Ee Loo Soo Marin Jiray Lix Sano Ka Hor Oo Noqonaysa 22 Sano Wixii Dhaqaale Kaga Maqan Soomaaliya 50% La Siiyo Somaliland, Si Loo Dar Dar Geliyo Dib U Dhiska Milateriga, Booliska, Ciidamadda Badda, Ciidamadda Cirka, Dib U Dhiska Adeega Asaasiga, Somaliland Iyo Soomaaliya 20 Sano Ee Soo Socda Ay U Noqdaan Laba Wadan Oo Deris Ah Oo La Aqoonsan Yahay Insha Allaah, Oo Ka Dhisan Xag Ciidamo, Xag Horumar Iyo Xag Dhaqaale Oo Mustaqbalkana Dibadaha U Iibgeeya Shidaalka, Sibidhka, Xooloha, Hilibka, Khudradda, Kaluunka Iyo Beenyadda!!!!!!.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker