Dawladda Britain Oo Baaq U Diray Muwaadiniinteeda ku sugan dalka Itoobiya

Waq qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Britain ayaa loogu baaqday muwaadiniinta ka soo jeeda UK ee ku sugan dalka Itoobiya inay si deg deg ah uga soo baxaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Britain, gaar ahaan waaxda arrimaha Afrika, ayaa sheegtay in xaaladda ammaan ee Itoobiya ay sii xumaanayso, waxayna barteeda twitter-ka ku baahisay qoraal u dhignaa, “ muwaadiniinta Britain ee ku sugan Itoobiya waxaan ugu digeynaa inay u safraan gobalada kale ee dalkaas, waxaan fareynaa inay si deg deg ah ugu soo baxaan guud ahaan dalkaasi”.

Digniintan ka soo baxday Dowladda UK, ayaa kusoo aadeysa xilli dagaalada ka socda Itoobiya ay kusii xoogeysanayaan gobolada Waqooyi, iyada oo dowladana ay sheegtay in aan wax gorgortan ah la gali doonin kooxaha la dagaalamaya Dowladda.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Jabhadda Oromada, Gal Moro, oo u waramay Wakaalladda Wararka Faransiiska, ayaa sheegay in Ciidamadooda ay ku sii dhawaanayaan Caasimadda dalka ee Addis Ababa, isla markaana ay isu diyaarinayaan inay si deg deg ah u soo afjaraan dagaalka ka socda qeybo ka mid ah dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker