Sheekaddii Xaraf iyo Ciidamadii Berigii Qaadka la Joojiyey

Berigii Siyaad Barre dalka madaxweynaha ka ahaa ayaa  ciidankii Turubutaariyadda iyo ciidankii Booliska ee magaaladda Hargeysa loo dirayaa tuuladda Xaraf ee duleedka magaaladda Hargeysa si ay uga soo baadhaan in Qaadkii oo lagu tuhmayey in halkaasi uu uga soo galo magaaladda gudaheeda. Waa Xiliyaddii Qaadka la joojiyey sanadaddii sideetamaadkii horaantiisii. Kootarabaan bilaa canshuur ah iyo Qaadkaba waa lala dagaalamaayey oo xataa ciidanka milateriga laftiisa ayaabay qaarkood ka falaagoobeen oo gawaadhiddii maqaadiirta ku soo qaadi jireen oo qaar baaba soo gelin jiray.

 

Ciidankii kolkii ay soo galeen Tuuladdii ee ay kolba xaafadihii qaar iyo goobahii meheradaha ahaa baadhbaadhayaan ayaa nin Maqaaxi tuuladda ku haystay kolba raggii magaaladda joogay kolba mid u yeedhayaa iyagoo ciidankii maqlaaya. Raggaasoo naaneyso cajiib iyo cabsiba leh lahaa. Magacayadda waxaa ka mid ahaa Orgome, Israa’iil, Abees, Aakhiro Seben, Taajir Caydh iyo Kabo-caydh. Markii ugu danbeysay isagoo leh “waar Hurgumoow furaha keen iyo mee Aakhiro Seben”. Kolkay ciidankii maqaaxidii uu Qaadku yaalay hortiisii soo istaageen, ayaa nin Kabo Caydh la odhan jiray maqaaxidii ka soo baxay isagoo kor u qaylinaya isagoo leh “ waar Orgame mee? Iyo jawaab kale oo leh waxay is raaceen Aakhiro Seben iyo Taajir Caydh” iyo hadal kale oo leh waar bal soo toosi Arsaa’iil iyo Kawkabana.”

 

Ciidankii dawladda ee la soo diray oo kolba is eegaya oo magacyaddan la yaaban ayaa ninkii watay mar danbe ku odhanayaa ciidankiisii “yaakhii meeshan inaga wada dad oo Jin ah baa jooggee.” Iyagoo hareeraha eegeegaya ayeey baabuurtii fuuleen iyagoo qaar leeyahiin “Bismilaahi Raxmaani Raxiim, waar ma xero jin baynu soo galnay”. Imika malaha sheekaddii oo kale ayaa ka bilaabantay intii Qaadka la joojiyey.

 

Jamaal Cali Xuseen

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker