Maxkamadda Gobolka Saaxil Oo Xukun Ku Riday Magafeyaal Yemeniyiin Ah Oo Xeebaha Berbera Dhalinyaro Ka Dhoofinayey

Berbera(OWN)- Maxkamadda Gobolka Saaxil  ayaa xukuno kala duwan  ku riday    Rag magefayaal ah  oo xeebaha gobolka  Saaxil ka tahriibinayey dhallinyaro ay ka keeneen magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

 

Garsoore   Axmed Yuusuf  Cabdi  oo ka tirsan Garsooreyaasha Maxkamadda gobolka Saaxil,  ayaa ku dhawaaqay xukunka Ragaasi ayaa sheegay in laba ka mid ah Raggaasi u dhasheen  Waddanka Yemen isla-markaana wateen laash yar oo ay doonayeen inay  sifo sharci darro ah ugu tahriibinayeen Dalka Yemen 7 dhallinyaro reer Somaliland ah, kuwaasi oo aad u da’ yaryar.

 

Laba Mukhalas oo  dhallinyarada Tahriibinayey oo magacyadoodu kala yihiin Cabdi Cali Kaahin  iyo  Ismaaciil  Jaamac, waxay Maxkamaddu ku xukuntay min hal sanno  iyo lix bilood oo xadhig ah, Labadii nin ee watay laashka la doonayey in dhallinyarada lagu qaado oo magacyadoodu kala yihiin  Maxamed Saalax Cali  iyo Naasir  Jaabir Saalim oo Yemaniyiin ah ayaa lagu xukumay min afar sannadood oo xadhig ah, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA oo Wargeyska Himilo Warkan ka soo xigtay.

 

Waxa kale maxkamaddu xukuntay in lala wareego laashkii ay wateen iyo Agabka loo yaqaano GPRS ama lagu hago laashka oo Raggaasi ay siteen.

 

Maxkamadda Gobolka Saaxil waxay min bil xadhig ah ku xukuntay lix ka mid ah dhallinyarad la tahriibinayey, maaddaama oo aanay ahayn qaangaadh, iyadoo mid ka mid ahna  maxkamaddu  u soo celisay xorriyaddiisii, kadib markii  waxba lagu waayey.

 

Oodweynenews  Hargeysa

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker