Xoghaye Guterres oo ka argagaxay kororka hawlgalada Israel ee Gaza

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa ka argagaxay kororka dhaqdhaqaaqyada militari ee ay Ciidamada Israel ka wadaan gudaha iyo hareeraha deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Hal toddobaad oo Ciidamada Israel ay ku sugnaayeen bariga Rafah ayaa waxay 450,000 oo qof ay ku khasbeen in ay ka barakaciyaan deegaankaasi, xilli ay adag tahay in gargaarka bani’aadantinimo uu gaaro Marinka Gaza.

“Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa aad uga argagaxay dhaqdhaqaaqa militari ee Israel ka waddo gudaha iyo hareeraha Rafah.” Ayuu yiri Kuxigeenka Afhayeenka Qaramada Midoobey, Farhan Haq.

“Kororka hawlgaladani waxa ay sii carqaladeynayaan halista bani’aadantinimo ee Marinka Gaza, waxayna uga sii darayaan xaaladdii horeba u liidatay.” Ayuu yiri Farhan Haq oo Talaadadii shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Qaramada Midoobey.

Waxa kaloo uu yiri “Xamaas waxay si aan kala sooc lahayn ay u ridday gantaalo. Dadka rayidka ah waa in la ixtiraamo oo la ilaaliyo mar walba, Rafah iyo meelaha kale ee Marinka Gaza.”

Haq ayaa intaasi ku daray “Meel ammaan ah hadda kama jirto Marinka Gaza. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey wuxuu ku celinaya codsigiisa ku aaddan xabad joojin degdeg ah iyo in la si daayo dhammaan la haysteyaasha.”

Israel ayaa toddobaadkii hore sheegtay in hawlgal xadidan ay ka samayn doonto bariga Rafah, si ay u burburiso goobaha ay Xamaas kaga sugan tahay cirifka koonfureed ee Marinka Gaza, waxaase cad in qorshaheedii ay u bedeshay hawlgal dhameystiran, ka gadaal markii ay ciidan hor leh soo dhoobtay aaggaasi, ayna bilowday in si saf mareen ay duqaymo baahsan uga gaysato koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Marinka Gaza.

Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey ayaa soo cusbooneysiiyay codsigoodii ahaa in Israel aysan weerar buuxa ka gaysan Rafah, ha yeeshee Warbaahinta caalamiga ah ayaa warineysa in Israel ay u muuqato mid aan warkaasi wax dheg jalaq ah u siin doonin.

Ciidamada Israel oo toddobaadkii la soo dhaafay la wareegay xadka Marinka Gaza uu la wadaago Masar ayaa xiray marinadii halbowlaha u ahaa gargaarka bani’aadantinimo, iyagoona Gaza ka go’doomiyay dhinaca Masar.

Xirnaanshaha marinada gargaarka ayaa mid aan suurtagal ahayn ka dhigeysa in kaalmada bani’aadantinimo ay ka gudubto Isgoyska Rafah, ee u dhaxeeya xadka dalkaasi Masar uu la wadaago Marinka Gaza.

“Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey wuxuu ku baaqaya in si degdeg ah dib loogu furo Isgoyska Rafah, waana in aan gaaritaanka gargaarka bani’aadantinimo ee Marinka Gaza oo dhan aan la carqaladeyn.” Ayuu yiri Farhan Haq, Kuxigeenka Afhayeenka Qaramada Midoobey.

Farhan Haq ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Sida aan marar badan sheegnay, dhammaan dhinacyadu waa in ay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada mar walba. Tani waxay ka dhigan tahay in dadka rayidka ah ay tahay in la ilaaliyo iyo baahiyahooda muhiimka ah oo ay ku jiraan cuntada, hoyga, biyaha iyo caafimaadka, waana in lagu daboolaa meel kasta oo ay ka joogaan Gaza iyo haddii ay guurayaan iyo haddii joogayaanba.”

Hoggaamiyeyaasha caalamka oo ay ku jiraan kuwa xulafada la ah Israel ayaa ka digaya masiibo bani’aadantinimo oo ka dhacda Marinka Gaza, haddii Israel ay ballaariso duulaankeeda Marinka Gaza, gaar ahaan Rafah.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa dhawaan ku celiyay in Rafah ay tahay meeshii ugu dambeysay ee ay Xoogaga Xamaas ku xoogan yihiin, isla-markaana ay lagama maarmaan tahay inay weeraraan, si loo gaaro sida uu yiri hadafka ah in la wiiqo Xamaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker