Daawo “Waa in dib u dhiska suuqa Waaheen iyo maamulkiisa loo daayo Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa ..

“Sida la wada ogsoon yahay, Suuqa Waaheen waxa uu ka koobnaa Ganacsiyo kumeel-gaadh ah oo loo yaqaanay hadhka, Dhismayaal ay leeyihiin Shacab iyo Dhismaha Suuqii hore oo ay leedahay Dawladda Hoose ee Hargeysa maamulkeedana ay gacanta ku hayso. haddaba sida uu dhigayo; Xeerka Maamulka Dhulka Magaalooyinka ee Xeer Lr 17/2001, Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Xeer Lr 23/2019, Xeerka kala xadeynta nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa bannaan ee Xeer Lr 71/2015, iyo Dastuurka JSL Qoddobaddiisa 109aad, 110aad, 111aad iyo 112aad waa in dib u dhiska suuqa waaheen iyo maamulkiisa loo daayo Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, dawladda Dhexe ee JSL qaadato doorka shuruucdu siinayso,”
Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker