Caruur Ka Badabaaday Diyaarad ku Dul Burburtay Kaymaha Amazon oo La Helay

Afar caruur ah ayaa iyaga oo nolol la helay ka dib markii ay ka badbaadeen shil diyaaradeed oo ay toddobaadyo habaw ku ahaayeen kaynta Amazon ee Colombia.

Madaxweynaha Colombia ayaa sheegay in badbaadinta walaalaha oo da’doodu tahay 13 jir, sagaal, afar iyo hal, ay “farxad u tahay dalka oo dhan”.

Hooyada dhashay carruurtan iyo laba duuliye ayaa dhintay markii diyaarad ay wateen ay ku burburtay hawdka Amazon 1-dii May.

Howlgal balaaran oo lagu Baadigoobaya carruurta ayaa waxaa ka qeyb qaatay tobanaan askar iyo dad deegaanka ah.

Madaxweyne Gustavo Petro ayaa sheegay in helitaanka caaruurtan ay ahayd “maalin layaab leh”, isaga oo intaa ku daray: “Waxay ahaayeen keligood , waxayna noqon doonaan tusaale guud oo badbaado ah oo taariikhda ku jiri doona.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker