Garsoorka Somaliland oo Xukun Toogasho ah Ku Riday Nin Haweenay Kufsaday ka dibna Dilay

Maxkamadda Gobolka Saraar ee Somaliland ayaa xukun ku ridday Nin la sheegay in horay uu kufsi iyo dil u gaystay, kaasi oo lagu magacaabo Saleebaan Cali Kaarshe.

 

 

Saleebaan Cali Kaarshe ayaa la sheegay in lagu helay in uu kufsi iyo dil isugu daray Marxuumad Hodan Siciid Jaamac, waxaaana dhawanahaan socday dhagaysiga dacwadda.

 

 

Marxuumad Hodan ayaa ahayd Gobar reer Miyi ah, waxaana la sheegay in ay Ari ku ilaalinaysay miyiga gobolka Saraar, halkaasi oo kufsi iyo dil loogu gaystay, waxaana si weyn kaga xumaaday dhacdadaasi xanuunka badan bulshada ku nool saraar iyo guud ahaan shacbiga Somaliland.

 

 

Waxaana da’deedu ay ahayd 18 sano jir, iyadoo la shegay in Saleebaan Cali Kaarshe uu marxuumadda kufsaday kadibna uu dilay, waxaana Maxkamadda Gobolkaasi ay ku Xukuntay dil toogasho ah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker